TACSI:Labada Gudoomiye ee WADANI iyo KULMIYE Oo Tacsi U Diraya Marxuun Abwaan Cali Sugulle Oo Ku Geeriyooday Iimaaraadka Carabta.

Xisbiga Kulkiye:

INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUNGuddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland geerida ku timi Abwaankii caanka ahaa Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) (11/01/2016).


Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) waxa uu xaalad caafimaad u yaallay cusbitaal ku yaalla magaalada Sharjah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta muddooyinkii u dembeeyey, halkaas oo ugu dembeyntiina ajasha Alleh (SWT) ku heshay.

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) inuu Abwaanku ka mid ahaa rukunnadii waa weynaa ee horumarka gaadhsiiyey Fanka Bulshada Soomaalida, kaasoo curiyey ruwaayado iyo sugaan badan, kuwaasoo intooda badani ahaayeen wacyigelin uu kaga qeybqaatay halgannadii kala duwanaa, laga soo bilaabo halgankii xorunimo-doonka, wixii ka horreeyey sannadkii 1960-kii iyo halgannadii kala dembeeyey.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE.

Xisbiga Wadani:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, isagoo ku haddlaya magiciisa, ka shir-Guddoonka golaha Wakiilada Somaliland,ka Xisbiga WADDANI iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa shacab weynaha reer Somaliland , gaar ahaan Abwaannada, Fannaaniinta , Qoyskii ,Eheladii Qaraabadii,iyo asxaabtii uu ka baxay, isagoo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timi Marxuum Abwaan Cali Sugul (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday maanta dalka isu-taga Imaaraadka Carabta taariikhda 11.1.2016
Guddoomiyu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey tiir dhexeed ka baxay bahda Fanka Iyo suugaanta,isagoo xusay guddoomiye Cirro inuu Marxuum Cali Sugule ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay Fanka Soomaaliyeed, Waxaana uu ka mid ahaa raggii la dagaalamay gumeysigii Ingiriiska.Guddoomiye Cirro waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatul-Fardawza uu ka waraabiyo,Abwaanada, Fanaaniinta, Qoyskii ,Eheladii ,Qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aaamiin….Aaamiin…Aaamiin IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

 

 

Heestan oo Cali Sugulle soo bandhigay 1962-kii kana dhalatay rajo xumadda ka soo muuqatay middawgii ay midoobeen Somaliya iyo Somaliland, Heestan waxa ay qayb ka aahayd riwaayad Cali soo bandhigay sida uu sheegay 1962-kii, xilligii ay saraakiishii reer Somaliland ee isku deyey inqilaabka, waxana ay ka mid ahayd riwaayad la odhan jirey Himillo-deena May Ahayn”, oo ay heesaheeda ka mid ahayd “Nin Lagu Seexdaw Ha Seexan”.