Waa Sidee Xaalada Saldhiga Boolis-ka Magaalada Tog-Wajaale , Maxaase u Qabsoomay.

Wajaale(GNN) Taliye kayse suudi oo mudo sideed bilooda ah jooga saldhiga wajaale ayaa ka warbixiyay mudadii uu joogay wixii u qabsoomay ,waxana uu sheegay in uu  dayactir balaadhan ku sameeyay qaybaha uu saldhigu ka koobanyahay , isaga oo  sheegay in uu siliig adag oo ayna ka daadan karaynin maxaabiistu ku soo wareejay  dayrka saldhiga , dhinaca kale waxa uu kor uqaaday bilicda saldhiga isaga oo  saldhiga u sameeyay albaab ganjeela iyo khashaafado kor u qaaday bilicdii  saldhiga , geesta kale taliye kayse oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in uu dhawr guri ka badalay albabadii hore ugu jiray isaga oo sheegay in ay jilceen  isla markaana ay qarka u sarnayd in ay maxabiistu si fudud uga dadan karaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay in uu mudadii uu joogay saldhiga uu farabaas ku qabtay dhalinyaradii intabadan canalayda iyo dadka shacabka ah ku baadhan jiray  goornayasha magaalada wajaale , hadaba waxa xusuus mudan in taliye kayse  muadadii uu joogay dhawr jeer uu kulano balaadhan laqaatay qaybaha kala duwan ee magalada si ay amaanka magaalada u galashaqeeyan ciidanka  bilayska iyo laamaha amaanka , geesta kale waxa uu dagaal adag ku qaaday dadka  iyagu cadaystay in ay ka ganacsadaan maandooriyaha khamriga isaga oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu meesha uga saari lahaa maandooriyaha intabadan laga rarijiray daanta shishe ee itoobiya , hadaba waxa intaa dheer in taliye kayse mudadii uu joogay uu dib ufuray laba kaantarool oo ku yaala koornayaasha magaalada tiyoo ay intabadan ay marijireen oramada iyo mukhadaraadku ,dhinaca kale bulshada ku dhaqan dagmada wajaale ayaa sheegay in si cadaalada uu ugu shaqeeyo taliye kayse oo ay kunasteen mudadii uu
joogay saldhiga ,gaba gabadii taliye kayse ayaa si wayn waxa uga qabtay wax yaalo lataaban karo , waana masuul inta badan firfircoon oo ka dhex muuqda laamaha kale ee dawlada waana masuul ku dayasha mudan .

 

Log1