WAR DEG DEG: Ciidamada JSL Oo La Wareegay Deegaano Ay Ku Sugnaayeen Cali Khaliif Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Maamulka Xamar.

ciidamada somaliland ee fadhigoosu yahay magaalada gabadha ayaa weerar ku qaaday Deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan kooda khaatumo-deeg iyaga oo ku sugan deegaanka geed-dheer oo u dhaxaysa Bali-hadhac iyo Bali-cad oo uu xiligan ku suganyahay horjoogaha khaatumo-seeg iyo xildhibaano Ka tirsan Maamulka Xamar iyaga oo halkaasi u jooga dhismaha maamul goboleedka sool sanaag iyo cayn.
Dadka Deegaanka Bali-Hadhac ayaa Saaka ku Waa bariistay ciidamada somaliland oo heegan ku jira sida ay uga hortagi lahaayeen dadka doonaayay inay caqaladeeyaan nabada iyo xasiloonida dalka somaliland ujeedka ciidamada
Abaabul Dagaal ayaa ka Soconaya deegaanada Buuhoodle Gaar ahaana Magaalada Buuhoodle taa soo Laga Cabsi Qabaa in uu iska horimaad ka dhaco deegaanka Buuhoodle.
dhanka kale dhagar qabe cali khaliif galaydh ayaa iyo xubno xildhibaano ka tirsan Maamulka Xamar oo u jeedkoodu yahay sidii ay colaad hor leh uga abuurilahaayeen dadka reer somaliland ee wada dega deegaandaas iyaga oo fara ba,an ku haya deegaanada ay ku dhuumaalaystaan maleeshiyaadka uu hogaaminaayo cali khaliif galaydh oo hada laf la caari ah isla markaana ay u dhaq dhaqaaqeen dhulka iyo cirkuba ka dib markii ay soo weerareen ciidamada qalabka sida ee somaliland halkaas oo gebi ahaanba ay gacan ku haynta deegaanadaas la wareegeen
wixii warara ee kasoo kordha Gabiley.Net