Wasaarada Deegaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Xubno Kamida Shaqaalaha Wasaarada Oo Ay u Dirayaan Dalka Itoobiya.

Hargeysa(GNN)Janaury-24-2016-Agaasimaha Guud ee wasaarada deegaanka somaliland Maxamed Cali Xuseen ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaarada deegaanka ee magaalada hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay xubno kamida shaqaalaha wasaarada deegaanka oo safar ugu kici timi doona dalka Itoobiya.

Waxaana uu sheegay agaasimuhu in safarkan ay qaar kamida shaqaaluhu ku tagayaan dalka itobiyaha uu yahay mid ay kaga qayb gali doonaan isla markaana ay tababar kuso qaadan doonaan mashruuc loogu talo galay horumarinta dhinaca biyaha oo lagu magac daray WorldPan isla markaan socon doona muddo hal sanno ah.

Waxaana uu ka dhawaajiyay agaasimuhu in mashruucani uu wax wayn ka tari doono harumarinta dhanka biyaha, mashruucan ayaa sida uu agaasimuhu ka dhawaajiyay Waxa Maamulkeda Gacanta ku hayn doona xukumada madaxwayne siilaanyo, iyadoona ay iska gaashadeen mashquuracani wasaarada maaliyada somalilan iyo wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, waxaana agaasimaha oo ka hadlaya arimahaa iyo arimo kaleba kamid ahaa hadaladiisi sida tani.

“shaqaale ka tirsan wasaarada biyaha  iyo wasaarada degaanka ayaa safar ugu baxaya dalka Itobia,waxaanay kaga qayb galayaan tababar kaaso ku saabsan mashruucan worldbank, runtiina u ah fursad wayn somaliland, waaana mashruucii ugu horeeyey ee dawlada Somaliland gacanteeda ku maamuli doonto lacagtana ay wasaarada deegaanka iyo wasaarada deegaanku iska kaashan doonan, Mashruucana ujadadiisu waa horumarinta dhanka biyaha oo laga fulin doono gobolka togdheer iyo gooblka maroodijeex, waana mashruuc tijaabo ah haduu inoo hagaagana ay wax wayn u tahay somaliland iyadoo ujeedada kalena ay tahay aaminaada somaliland la aaminayo dawladnimadeeda iyo inay wax kaste qabsan karaan iyaguna ay maamuli karaan waxkaste,horena waa sidaan u sheegee waa markii koowaad ee wasaarada maaliyada mashruucan lasoo dhex mariyo macnaha sida Maaliyada dalkeen ay u maamusho wasaarada maaliyadu,ayna fulin doonto oo ay lead ka tahay wasaarada deegaanka,wasaarada beeraha,Wasaarada biyaha iyo wasaarada xanaanada xoolaha iyagoo iska kaashanaya waxaana uu socon doonaa mashruucani muddo sanada ”Sidaas ayuu dhahay Agaasimaha wasaarada deegaanka Somaliland

Sidoo kalena Isagoo agaasimaha wasaarada deegaanku hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in marka uu mashruucani dhamaado uu ku xigo doono mashruuc kale oo isna socon doona muddo shan sanadooda waxaana uu yidhi.

“Hadii uu sidaan doonayno inoo guulaysto mashruucani waxa isna ku xigi doona mashruuc kale oo isna socon doona muddo shan sanadooda oo isla kan oo kale ah run ahaantiina dalka wax wayn ka tari doona waxaana uu ka kooban yahay sadex qaybood waa (1)Dhaamamka iyo shaawiliska (2)horuamrinta wasaarada iyo community-ga” Maxamed Cali Xuseen

 

Gabagabadiina mushruucan ay shaqaalaha ka tirsan wasaarada deegaanka iyo biyuhu ay u tagayaan dalka itobiya ayaa noqonay mashruucii u horeeyey ee ay dawlada Somaliland Gacanteeda ku Maamusho isla markaana ay iska kaashanayaan wasaaradaha maaliyada iyo deegaanka Somaliland.

Log1