“Buuhoodle Waa Deegaan Nabada Isla Markaana Si Nabad Gelyo Ah Diiwaan Galintu Uga Dhici Doonto….” Wasiir Xaglo Toosiye.

iyada oo ay todobaadadii u danbeeyay ay cakirnayd xaalada goblka buuhoodle oo ay ku hirdamayeen siyaasada kala duwan ayaa waxaa maanta u kuur galay sidii aanu uga heli lahayn warar xog-ogaala oo ku saabsan deegaankaas

magaalada buuhoodle ayaa hada ay xaaladeedu tahay mid degan waxaana ku sugan gudaha magaaalada buuhoodle.cuqaal wax garad ka soo jeeda beelaha degan deegaanadaas iyo qaar kamida xukuumada somaliland oo uu hogaaminaayo wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland
waxaana magaalada ka socda dhaq dhaqaaqyo wada hadal kuwaas oo daaran sidii magaalada loogu soo dabaali lahaa xaalad is fahan taas oo u dhaxaysa siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha dhulbahante waxaana magaalada ku sugan wasiir xagl.toosiye iyo qaaar ka mida ciidamada somaliland ee ku sugan jiida hore
wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland ayaa dhowaan gaadhay deegaanka buuhoodle halkaas oo uu ku sugaa qaar ka mida qab qablayaasha uu hogaamiyo dagaal ooge cali khaliif galaydh waxaana loo sheegay in uu magaalada ku soo wajahan yihiin wasiir xaglo.toosiye iyo ciidamada somaliland waxaanay markiiba bilaabeen sidii ay si deg dega uga bixi lahaayeen magaalada
xaglo toosiye ayaa markii uu soo gaadhay magaalada waxaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay iyada oo ay u banaan baxeen dadka ku nool degaanada hoos yimaada magaalada buuhoodle kuwaas oo cad ceeda u taagna ilaayo subaxnimada isla markaana uu magaalada soo gaadhay wasiirku 4:00 galabnimo
waxaanu dadweynaha reer buuhoodle kala hadlay dad aan tiradooda la qiyaasi karain kuwaas oo si fiican u dhuganaayay hadalada kasoo yeedhay wasiirka xoglo toosiye hadaladaas oo dhamaantood noqday kuwa u cuntama dadka dega deegaanadaas
xagla toosiye
anigu waxaan ahay raga ka soo jeeda deegaanka buuhoodle waxaan u halgama inta badan sidii uu deegaankan u gaadhi lahaa horumar oo aan ka saari lahaa dubu dhaca balaadhan ee ka muuqda deegaankeena balse waxaa mar walba soo baxaaya marka ay ili u baxdaba deegaanka buuhoodle rag laga soo laaluusho dalka soomaaliya kuwaas oo abaabula falal amni daro
hadaba su,aasha is weydiinta leh waxay tahay reer buuhoodlow waxa aynu doonayna waa in aynu noqono dad horu mara oo wax la qaybsada asaagood oo aan noqon dad la takooro sida ay u horumareen gobolada kale ee somaliland ma waxaa lagu gaadhaya inaga oo dagaalana uun?
fidma wade cali khaliif waxaan leeyahay hadii aad deegaanadaas dub ugu soo noqoto waxaan kaaga qabanaya gacan bira waayo in badan baan islahaa cali khaliif mar uunbuu ku soo dhacayaa wadada wanaagsan balse waxaad noqotay calooshiisa u shaqayste dadka deegaanadana way garanayaan waxa dantooda ah maanta laga bilaabana waxay ka arin sanayaan sidii ay dalkooda u dhisi lahaayeen anaguna waanu kaa qabanayna si aanad uga bur burin horu marka ay sdameeyeen
intaas kadib waxaa wasiirka loo soo gudbiyay xaga gudaha magaalada halkaas oo uu markiiba ka bilaabay dar dar siyaasadeed taas oo keentay inuu saacada yar kaga quus gooyo dagaal ooge cali khaliif magaalada buuhoodle
waxaanu wasiirku kulan la qaatay odayaasha beelaha dhulbahante oo uu u cadeeyay in aanu marnaba ka noqonayn deegaanka buuhoodle ilaayo inta uu faraha kala baxaayo cali khaliif waxaanu sheegay in wasiirku hadii ay soo qaban waayaan cali khaliif kana saari waayan deegaanada hoos yimaada gobolka buuhoodle uu kula dagaalami doono
sidoo kale wasiirka ayaa ku baraarujiyay beesha in ay ilaaliyaan nabad gelyada iyo wada noolaanshaha beelaha ay isku deegaanka yihiin oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan marnaba meel kala tagayn
                                                                              Diiwaan Gelinta
dhowaan waxaa idin soo gaadhi doonta diiwaan gelinta codbixiyayaasha waxaana loo baahan yahay in aad muujisaan wadani nimo oo aad baabi,isaan waxyaabaha laydinka aamin san yahay ee ah inaanay ka dhacay buuhoodle doorasho iyo diiwaan galin toona
waa inaad muujisaan inaad tihiin dad ka muwaadinsan dadka ku nool magaalooyinka hargeisa iyo burco iyo gobolada kalaba
waxaa xusud mudan intii uu wasiir xaglo toosiye ku sugna deegaanka buuhoodle uu dagaal soo abaabulay cali khaliif taas oo uu doonaayay in uu la gaado ciidamada uu wato xoglo toosiye
waxaana fashiliyay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka somaliland kuwaas oo ka war helay in uu dagaal ooge cali kghaliif abaabulaayo dagaal kuwaas oo gaadhay deegaanada ay ku dhuumaalaysanayeen isla markaana nin waliba naftiisa la baxsaday
cali khaliif galaydh
cali khaliif galaydh ayaa isaguna intii wasiir xaglo toosiye ku sugnaa deegaankaas fariin u soo diray cuqaasha dhul-bahante taas oo ay la yaabeen waxyaabaha ku xardhan warqada uu soo diray dagaal ooge cali khaliif waxanay u dhignayd sidan:
somalaliland waxa ay u soo tafaxaydatay sidii ay inooga saari lahayd dhulkeena waxaanay doonaysaa in ay ka godo soomaaliya taas oo inagu ceeb ah hadii aynu ku taageerno waayo inagu waxaynu nahay daarood.daaroodna waa kaas waa wada somaliya marka hore waxaan ka duulaynaa sidii aynu uga dhabayn lahayn in soomaaliya mid ahaato
waxaan u soo jeedinayaa cuqaasha la kulantay wasiir xaglo toosiye in ay ka qaataan wixii ay ku dagaal gali lahaayeen ma jiro nin qudha oo gurigiisa u hoyan kara ilaayo inta aynu iska celinayno somaliland
waxaynu hubaynaynaa dhalin yaradeena si ay uga dhiidhiyaan dhibaatada ah in somaliland ay ina xukunto waxaana dhacday kaaf iyo kala dheer
XAGLA TOOSIYE sidoo kale wasiir xagla toosiye ayaa waxaa la sheegaya in uu wada hadal la furay qaar ka mida ciidamadii cali khaliig hogaaminayay kuwaas oo sheegay in aanu ahayn mid suurta gala in dagaal ooge cali khaliif galaydh ahayn mid ku haboon hogaamin waxaanay sheegeen in uu bilaabay qabyaalad tii ugu weynayd taas oo uu ciidamadii u kala qaybiyay X iyo W ama qolo qolo taas
waxaana la filayaa in dhowaan wasiir xaglo toosiye ku guulaysto in uu qaraameeyo ciidamadaas kuwaas oo ku biiri doona ciidamada xooga dalka somaliland
Hadaba su,aasha taagan ayaa waxay tahay:cali khaliif weligiiba ma waxa uu ahaanaya mid u soo daba mara buuhoodle wasiir xaglo-toosiye mar walbana ma waxa uu maatada ugu khudbadayn doono in aanay ragoodu seexan gur yahooda oo ay dagaal gaeliyaan?
balse xukuumada somaliland talaabo cad ma ka qaadi doonta hadii uu joojin waayo siyaasad aan geedkaa muuqda gaadhsiisnayn
Waxaanu Wasiir xaglo toosiye ku sugnaan doona deegaanka buuhoodle mudo lagu qiyaaso ilaa hal bil waxaana la rajaynayaa in ay midha dhasho balan qaadka sameeyeen madaxda iyo cuqaasha beesha dhul-bahante.
Log1