Wefti uu Hogaaminayo Guddoomiye Ciro oo Safar Ku Tagay Xarunta Midawga Yurub Ee Brussels + SAWIRO.

Brussels(GNN) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa, ayaa maanta barnaamijka xisbiga ku soo bandhigay xarunta midawga Yurub ee Brussels.

unnamedGuddoomiye cirro oo ay la socdeen masuuliyiinta kala ah: Xoghayaha arimaha dibedda Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali “Rayte” iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac “Xoog”, ayey noqoneysaa xisbi Afrikan ah oo ka socda wadan aan la aqoonsan in markii ugu horeysay uu barnaamijkiisa ku daahfuro Aqalka baarlamanka Ingiriiska iyo xarunta midawga Yurub ee Brussels.

2

 

Arintan ayaa ah mid Somaliland kusoo jeedineysa indhaha beesha caalamka, iyadda oo hore Somaliland geeska Afrika kaga caan ahayd ku dhaqanka dimuqraadiyadda.

Waddadan uu xisbiga Waddani ku dhaqaaqay ayaa noqoneysa, garnaqsi dunida culeys ku sii saaraysa xaqa ay Somaliland u leedahay in ay noqoto qaran kamida beesha caalamka.

Log11