Xukuumada Oo Ka Hadashay Walaaca Shacabku Ka Qabo Halista Haan Weyn Oo Ku Soo Caaridday Xeebaha Sanaag- DAAWO SAWIRADDA

Hargeysa-(GNN)- Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay ogaadeen muhiimadda loo isticmaalo Haan weyn oo ku soo caaridday Xeebaha Gobolka Sanaag, inkastoo weli socoto baadhitaankeedu.

Wararka Haantan weyn oo ku soo caaridday Xeebaha Magaalada Xarshow ee goboblka Sanaag oo loo maleeyey inay tahay kuwa sunta hadhaagga Warshadaha Nukliyeerka ku jiraan ee sharci darada badaha loogu aaso, ayaa hore qaylo-dhaan looga soo jeediyey wax ka qabashadeeda.
HAAN SOO CAARIDAY(1).jpg
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-guray) ayaa sheegay inay heleen xogo sheegaya in Haanta ku soo caaridday Xeebaha gobolka Sanaag
ka mid tahay qalab loo adeegsado ugaadhsiga kaluumaysiga (fish aggregating device).

HAAN SOO CAARIDAY(1).jpg

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kaluumaysiga,iyo kheyraadka badda Somaliland, Cabdi Axmed (Cabdi-guray), oo xalay wargeyska himilo, wax ka weydiiyay halkay ku dambaysay baadhitaan ay ku samaynayeen ayaa sheegay inay ogaadeen macluumaad ka duwan sidii markii hore loo haystay Haantaas ku soo caaridday Xeebaha Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi, “Hawshii baadhitaanka Haanta ku soo caaridday Xeebaha gobolka Sanaag weli waan wadnaa, hay’ado dhowr ahna waan ugu gudbinay hore, laakiin, immika waxaan ogaanay in Haantani ka mid tahay qalab loo adeegsado ugaadhsiga kalluunka (fish aggregating device FAD) oo kalluunka yaryar dugsadaan, si kuwa waaweyn looga ugaadhsado.”

Agaasime Cabdi-guray ayaa raaciyey, “Haantan uma eeka mid wax ku jiraan oo culus, siduu qof arkayey markii ay soo baxdayna noo sheegay. Waxaanu soo ogaanay, isla-markaana qolyo ka socda hay’ada FAO noo sheegeen waa Haan loo adeegsado ugaadhsiga kalluunka, oo badaha la dhex dhigo, laakiin si aan dadka & dalka dhibaato uga soo gaadhin xaqiijinteedii waanu wadnaa.”

Hadalka Agaasimaha Guud Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-Guray), ayaa noqonaya mid meesha ka saaraya werwer iyo shaki ballaadhan oo shacabka Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan deegaanada xeebaha gobolka Sanaag ka qabeen Haan weyn oo dabayaaqadii sannadkii hore ku soo caaridday magaalada Xarshow
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE