Xukuumada Somaliland Oo Dil Toogasho Ah Ku Filisay 6 Gacan Ku Dhiigleyaal Ah Oo Ay Ku Jiraan Rag Toogtay Saraakiil Ciidamada Qaranka Kamida

xukuumada somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha somaliland mud:axmed maxamed maxamuud ‘siilaanyo ayaa markii labaad ku dhiiratay go’aano hor leh iyada oo dil toogasho ah ku riday lix gacan ku dhiigle oo siyaabo kala duwan u dilay saraakiil ka tirsan ciidamad qaranka somaliland iyo masuuliyiin xukuumada somaliland ka tirsan kuwaas oo dhamaantood ciidamada somaliland ay ku kala togteen deeganadda Dararweyne , Madheera iyo Borama.

gacan ku dhiiglayaasha maanta xukuumada somaliland ay ku fulisay dilka ayaa waxaa ka mid ahaa nin askari ahaa oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Kheyre .oo dhowaan toogtay taliyihii ciidanka birmadka gobolka saaxil oo uu toogtay isaga oo ka soo baxay madal ay xilka kula kala wareegayeen qaar kamida masuuliyiinta gobolka saaxil

go.aankan ay xukuumada somaliland ku dhiiratay ayaa muujinaaya mid aan loogu nasteexanayn wadamada caalamka balse lagag talinaayo aayaha iyo danta shacabka somaliland

maaha markii ugu horeeyay ee xukuumada somaliland ay dilka ku xukunto qaar kamida maxaabiista gacan ku dhiigla yaasha ah balse waxa ay mar hore fulisay dil noocan oo kale ah kaas oo ay intabadan wadamada caalamku siyaabo kala duwan uga hadleen iyada oo ay canbaareeyeen ururada ka jira wadamada yurub ee loo yaqaano qaramada midoobay

si kastaba ha ahaatee go,aankan ay xukuumada somaliland qaadatay ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyay bulshada reer somaliland oo ku tilmaamay go,aan geesinimo ah oo ay qaadatay xukuumada somaliland