DAAWO: AFHAYEENKA CUSUB EE MADAXTOOYADA OO KA HADLAY XILKA CUSUB EE LOO DHIIBAY

Hargaysa(GNN)Af-hayeenka cusub Ee Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cilmi Faahiye (Shamax) oo saaka Madaxwaynahu u Magacaabay Inuu Ahaado Afhayeenka Ayaa ka Dareen Celiyay Xilkan Cusub Ee loo Magacaabay,waxaana uu tilmaamay inuu Soo dhawaynayo.

Cabdiraxmaan Shamax Ayaa sheegay in Xil Culus loo dhiibay,waxaana uu ilaahay ka rajeeyay inuu la garab galo Xilkan loo dhiibay oo uu ku masaalay inuu yahay mid culus oo baaxadiisa leh.

Af-hayeenka cusub Ee Madaxtooyada Somaliland ayaa sidaas waxa uu ku sheegay mar uu maanta qaar ka tirsan Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargaysa,Waxaana uu sheegay in xilkan loogu magacaabay umadda ugu adeeg waxaana uu yidhi.

“Hortu Xilkan maanta la ii Magacaabay waxaan u arkaa shay cusub oo igu soo kordhay oo ah shaqo wayn oo qaran Layna Magacaabay,iyada oo layga doonayo inaan sideeda U Dhameeyo,waxaana layidhahaa masuuliyada laguu dhiibay wax walba iyada ayaa ka Culus,waxaanan u arkaa Xilka Cusub ee maanta lay Magacaabay in laygu leeyahay Kaalay umada u shaqee,kana qayb galay hawlahiisa iyo geedi socodkiisa.
Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata afhayeenka Cusubi waxaana uu yidhi.

”Madaxwaynaha Somaliland ee xilkan ii Magacaabay waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u Mahad santahay waanan gudanayaa Xilkaas Cusub ee aad ii dhiibtay,waxaanan u gudan doonaa sida ugu wanaagsan,xaqna madaxwaynahu waxa uu u leeyahay inuu isku shaandhayn ku sameeyo golahiisa xukuumada.

Geesta kale Afhayeenka Ayaa waxa uu sheegay in Mihnada Saxafinimo uu ku jiray Wakhti badan,waxaana uu hada Markii Xilkan loo Magacaabay uu ahaa Looyar Ka hawl Gala Maxkamaddaha Hargaysa.

“Saxaafaddu waxa ay u adeegtaa Bulshadda waana is Gaadhsiin aan laga maarmin,waxaana ay bulshada ugu adeegaan wararka hufan,aniguna waan soo dhawayn doonaa,waxaanan ku soo dhawayn doonaa wixii Nidaam Wanaag ah.

Dhawaaqan Ka soo yeedhay Afhayeenka Cusub ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Saaka Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Afhayeenka Cusub Ee Madaxtooyada Somaliland.

 

GABILEY.NET

HARGAYSA OFFICE