Baasaboorka Somaliland Oo Helay Aqoonsi Buuxa Iyo Wadamo Hor Leh Oo Ku Soo Biiray Aqoonsiga Basaboorka Somaliland

Dalka Zambia ayaa ku soo biiray dalalka Afrikaanka ah ee si buuxda u aqoonsaday Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Somalia inteeda kale ka go’day sanadka 1991-kii.

Qofka haysto Baasaboorka Somaliland ee doonaya inuu u safro dalka Zambia uma baahna VISA (Dal-ku-gal), wuxuu joogi karaa Visa la’aan dalka Zambia muddo dhan 30 maalmood haddii uu yahay ganacsade, 90 maalin ayuu joogi karaa haddii booqashadiisa tahay Dalxiis.

Website-ka Wasaaradda Arimaha Dibadda Zambia ayaad ka hubin kartaa Macluumaadkan adigoo dhag siinayoHalkan.

https://evisa.zambiaimmigration.gov.zm/#/application

Haddii aad doorato Baasaboorka Somaliland ee “Ordinary Passport” waxaa kuu soo baxaayo “You are exempted from VISA” oo micnaheeda yahay inaan lagaaga baahneyn Dal-ku-gal.

Dalalka aqoonsaday Baasaboorka Somaliland ayaa noqonayo 10 dal kuwaasoo kala ah:

1- South Africa

2- Ethiopia

3- Djibouti

4- Belgium

5- United Kingdom

6 – France

7- South Sudan

8- Kenya

9:UAE

10:Zambia