BADHASAABKII HORE EE GABILEY OO KU BAAQAY IN GUNTIGA DHIISHA LA ISKAGA DHIGO WAKHTIGA DIIWAAN-GELINTA CODBIYAHA

Stockhom(GNN)-Gudoomiyihii u horeeyay ee Gobolka Gabiley loo magacaabo Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), ayaa baaq dardaaran culus xambaarsan usoo gudbiyay guud ahaanba Shacbiweynaha Gobolka Gabiley in ay si adag ugu diyaar garoobaan Diiwaan-galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka maadaama wakhti xaadirkan lagu jiro xili duruufo adagi ka taagan yihiin Gobolkaasi oo saameynta abaaruhu kalifeen islmarkaana, kala daadsanaan badan iyo diyaar garow la,aani ka muuqato Reer Gabiley.

Aqoonyahan Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), oo Shabakada Wararka Gabiley.net soo gaadhsiiyay Baaqan uu ugudbinayo guud ahaanba Shacbiga Reer Gabiley masuulyiinta xiligan ee Gobolkaasi iyo Xubnaha Golaha Deegaanka Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqonyahanka ku abtirsada Gobolkaasi ayaa fariin dardaaran culus ah ku sheegay in muhiimada diiwaangalinta Codbixiyayaashu lafdhabar u tahey Gobolka Gabiley maadaama tirada dadka Gobolkaasi aad u badan tahey,haseyeeshee, ay wakhtigan ka muuqato diyaar garow ku beegan xaaladaha iyo duruufaha abaaruhu sababeen ee ka jira Gobolka Gabiley, maadaama Reer Gabiley u badan yihiin xoolo dhaqato-beeraley ah islamarkaana, duruuf kasta oo jirta ay muhiimad culus tahey in diiwaangalinta loo diyaar garoobo loogana hawlgalo isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.

images

“Marka hore waxaan halkan salaan qiima badan uga gudbinayaa guud ahaanba shacbiga reer Gabiley oo aanaan in mudo ah ismaqlin qeybaha kala duwan ee Bulshada anigoo Eebe uga baryaya in uu ka dulqaado abaarta iyo xiliga adag ee saameeyay qeybo badan oo lafdhabar u ah Bulshada Gobolka Gabiley, laakiin waxaan maanta hadalkeyga ku suntayaa fariin dardaaran ah oo aan ugu baaqayo in loogu diyaar garoobo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka maadaama ay Gabiley shacbigeeda iyo tarada dadkeeduba yihiin kuwa aad u badan oo kaalin laxaad leh ka qaadanaya dhismaha Gobolnimo iyo loolanka Doorashooyinka iyo heerka Gobolka intaba waxaa muuqda maadaama duruufo adagi jiraan xiliga abaarta saameysay shacbiga Xoolo-dhaqatada iyo Beeraleyda in aaney wali muuqanin sidii awal hore loogu diyaar garoobayay mar labaad Ayaan shacbiga ugu baaqayaa inaan cidna diiwaangalinta ka baaqsanin ee loo diyaar garoobo oo la barbar joogsado dadka itaalka daran ee abaaruhu naafeeyeen oo laga caawiyo diiwaangalinta si aaney uga maqnaanin waxaan sigaar ah ugu adkeynayaa xaqiiqan aqoonyahanka,waxgaradka,dhalinyarada iyo Masuulyiinta Gobolka iyo Degmooyinkiisaba in arintaa xil weyn la iska saaro hadey tahey Xildhibaanadii lasoo doortey ee labada Gole Deegaanka iyo Golaha Wakiilada,cuqaasha,salaadiinta iyo madaxdhaqameedka iy odoyaasha,iyo Ganacsatadaba waa xil wada saaran oo rag iyo dumarba looga baahan yahey, waa in Siyaasadaha kale wakhtigooda lagu simo laakiin laga mideysnaadaa oo lexejeclo laga qabaa danta Guud ee Gobolka”Ayuu yidhi Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib)Gudoomiyihii u horeeyay ee Gobolka Gabiley.

Gabagabadiina waxa uu dardaarankiisa iyo baaqan ugu jeediyay Reer Shacabka Gabiley in ay iska ilaaliyaan ceebta iyo waxyaabaha xajiimeynaya sharafta oo aaney wax aan dantooda aheyn isugu jajawaabin Warbaahinta iyo Talafishanada ay habeen walba inyari taagan tahey oo dad kale iyo shakhsiyaad difaacaya kuwa kalena caayaya, laakiin looga baahan yahey in wixii muhiimad u leh Gobolka laga wada shaqeeyo.

Waxaanu ku adkeeyay in Masuuliyiinta iyo Xildhibaanadu ku guntadaan danta guud.

C/RASAAQ AXMED HAYAAN ILKACASE

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE