DAAWO: KOOXDII FANAANIINTA INGIRIISKA EE VIOLA BEACH OO SHIL GAADHI KU WADA DHINTAY

Stockholm, (GNN):- Dhamaan xubnaha kooxda Viola Beach Band iyo Guddoomiyahoodi ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ku haleelay caasimadda Sweden ee Stockholm, waxaana dhimashadooda wada jir u cadeeyay Dawladaha Sweden iyo Britain.

Kooxda Viola Beach Band oo lagu waday inay bandhig muusig ku qabtaan dalka Sweden ayaa gaadhigoodi kala dhacay, Biriishka dherarkiisu yahay 82ft, oo ku yaala degaanka Sodertalje, ee konfurta caasimadda Sweden ee Stockholm.

Xubnaha kooxda Viola Beach Band, ee shilka gaadhi ku wada dhintay, ayaa magacyadoodu kala ahaayeen, Kris Leonard, River Reeves, Tomas Lowe, Jack Dakin iyo Guddoomiyihii kooxdaas Craig Tarry, kuwaas oo labaatan jir ilaa sadex iyo sodon jir da’doodu kala ahayd.