DAAWO Sawirada :Wacdarihii xafladii Kulmiye Ku Qabtay Bariga London , Jawigii madasha iyo maamuuskii xilwareejintii Gudiyadda.

Waxaa xalay Bishu ahayd 20/02/2016 bariga magaalada London lagu qabtey xafled si weyn loo soo agaasimay taas oo ay soo qabanqaabisay laanta far east Kulmiye xafladaas oo ay ka soo qayb galeen laaman uk ee Kulmiye sida Cardef iyo Bristol iyo Manchester waxaan iyana meesha aan ka maqnayn bahweyta Kulmiye ee london

Furitaankii xaflada ka bacdi waxaa lagu soo lagu soo dhaweeyey gudoomiyihii hore ee laannta Kulmiye Far East mahadan iyo soo dhaweyn ayuu u jeediyey dadkii ka soo qaby galay xafladan.9
 Waxaanu yidhi jamac ahmed Hassan (Jama Qaylo) waxaan mudanayaal iyo marwooyinba idiinka mahad celinayaa sida qiimaha badan ee aad uga soo qayb gasheen xafladan caawa aanu ugu talo galay inaanu ku wareejino guddi cusub oo laanta Far East Kulmiye yeelatay markaanu mudo dheer soo haynay shaqadan guddida laanta aniga iyo guddidii kale ee ila shaqaynaysay waxaanu go”aan saney in ladardar geliyo laanta guddi cusubna la dhiso waana ku faraxdanahay in ragii aanu wadashaqaynaynay aanu nidhaahno halkaa hawshii ka sii wada waxaananu ku kalsoonahay inay Laban laabi doonaan dedaalkayagii hore waxaanu xafladan kaga faa’iidaysanaynaa maadaama ay tahay intii xisbi weynaha Kulmiye doortay murshaxa madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeenka xafdadii u horeysay ee laantan Kulmiye Far East London qanaqaabiso waxaan anigoo ku hadlaya magaca bahweynta Kulmiye iyo ka laantan Kulmiye Far East London aan hambalyo iyo bogaadin iyo taageero hagar la aan ah Isla garab taageynaa murashaxa madaxweyne we xisbiga Kulmiye mujaahi Musa biixi cabdi iyo ku xigeenkiisa mudane Abdirahman abdillahi ismaciil (saylici) waxaanuna ilaahay uga baryeynaa guul waaarta xusbiga Kulmiye iyo madaxdiisaba walaalayaay waxaan marlabaad idiinka mahad naqayaa sida sharafta leh aad noo soo a jiibteen waadan mahadsantii.
11
Waxaa shi rka daadihinayey afhayeenka laanta mudane cabdi Cismaan nuur waxaanu dhiibay makirifaanka xubnixii ka kala socday laamaha dibada sida Bristol iyo Carduf iyo maajista oo iyaguna u hanbalyeeyey guddida cusub ee laantu yeelatay waxay kale oo u hanbalyeeyeen shirka iyo sida qiimaha badan ee loo soo abaaulay waxayna u hanbalyeeyeen murashaxiinta xisbiga Kulmiye ee doorashada soo socota mudane Musa biixi abdi iyo mudane Abdirahman abdillahi Ismail (saylici) waxaa khadana afhayeenka laanta oo daadihinayey uu galay xilwareejintii labada guddi
Iyo qudbadahoodii waxaana si jab maamuus sare ah lagudoon siiyey gudidii hore shahaado sharafyo lagu maamuusayey sidii wacneyd ee u soo guteen waajibaadkaa qaran waxaana ugu horeyntiiba ka hadley guddoomiyaha cusub mudane guddooiye farax mohamed abdille qorax oo gudoon siiyey shahaado shaf gudoomiyihii hore mudane Jama ahmed Hassan (qaylo)
Waxaa hadana lagu soo dhaweeyey Gudoomiye kuxigeenka cusub marwo Ayaan ismaaciil Ali kuna gudoonsiisay halkaa shahaado sharaf gudoomiye xigeenkii hore Abdicasiis hinbir waxaa iyana lagu soo dhaweeyey lacaghaya cusub marwo Yaasmiin ahmed dubbe oo iyana dhigeedii hore mudane Mustafe osman buureed gudoonsiisay shaado sharaf markaas kabacdi ayaa waxaa daadihiyaha barnaamijku waa afhayeenka laanta Kulmiye Far East London mudane Abdi osman nut uu ku soo dhaweeyey shaqsiyaad xisbiga Kulmiye laf dhabar u ha ahna haldoorkii xisbiga si ay kelmadooda u yodhaahdaan waxaana ka mid ahaa
 1:- warwo Yurub qaali
 2:-mudane Abdirisaq Xuseen Abyan
 3:- mudane  Mohamed BBC ( Bristol)
4.:- mudane adan omar (frases) biristol
5:- Amina mohamoud gaade
Iyo dad badan oon halkan lagu soo koobi karin10
Waxaa uu u dhacay jawiga xafladu jawi aad u qurxoon waxa aan iyagu goobta ka maqnaa oon ka soo xaadirin gudidda fulinta ee waqtigeedii dhamaaday waxaana laga dhadhansanayey dadkii xaflada ka Hadley khilaaf ba’an oo ka jira xisbiga Kulmiye UK oo la sheegayo gudiddaa waqtigeedii dhamaaday aaney ogolayn in si dhexdhexaada loo xaliyo khilaafka xisbiga waxa kale oo dadkii aan kula kulmay meesha ay ii sheegeen in shir ay qabanqaabinayaan guddi qabanqaabo oo sharcidaro ay ku magacawdeen gudidda fulinta ee  muda dhaaftey iyadoo ay ahayd sida lay sheegay inuu xeerhoosaad ka xisbiga uk dhigayo inay guddi qabanqaabo ay magacaabaan shan iyo afarten cisho (45 days) ka hor mudo xiloodkooda ayaa waxaa la sheegayaa in gudidaas qabanqaabada ee magacaabay gudoomiyaha waqtigiisii dhamaaday ay qayral shaci tahay iyo afduub xeerkii iyo qawaaniintii xisbiga u taaleyna uu ka talaabsaday.
Waxaa kale oo dad xogogaal ahi sheegee in gudiddaa xariir magacaabey ay qorsheeyeen In ay shir ay dib isaga ugu cumaamadayaan ku qabanayaan magaalada Bermigham 05/03/2016 oo loo diyaariyey hanaankii sidaas lagu suuta gelin lahaa mar aan wax ka weydiiye qolooyinkii ama laamihii debeda ka yimid ee shirka ka soo qayb galey sida Carduf iyo bristol iyo Manchester waxay ii xaqiijiyeen inaan laga weydiin shirkaas iyo gudidda qabanqaabada wax talo ah ayna aad uga walaac San yihiin sida loo majar habaabiyey hanaankii soo jireenka ahaa ee xisbigu ku dhisnaa iyaguna marnaba aanay aqbalayn waxaa soconaya ee lagu burburinayo xisbiga waxaaney marar badan ku celcelinayeen dambigaas cidii leh waa la garanayaa waanu kala xisaabtamayaa xisbigu waxaananu wadnaa sidii xisbiga loo badbaadin lahaa isku soo wada duubo
Madasha ayaa waxaan ka madhnayn madadaaono iyo fanaanii da yar sida (bada cas)oo nasinayey hadba magarafoonka
Waxay ay ku dhamaatey jawi aad u qurux badan xafladaa ay soo qaban qaaboyeen madaalayaash laanta Kulmiye Far EastFreeland journals
Dayib

 123456789101112

abdikadir m. guudcadde
GUUL IYO GOBONIMO
WABILAAHI TAWFIIQ