DAAWO:Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Wershad Samaynaysa Saabuunta Adag Oo Ay Soo Kordhisay Shirkada ILAYS – SAWIRO.

Burco (GNN)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa Maanta si Rasmiya Xadhiga uga Jaray Qaybo Cusub Oo lagu soo kordhiyay Shirkadda Saabunta ilays Qaybahaasi Oo Kala ah Warshadda Saabunta Adag iyo Taydha Qasaladda Oo ay Shirkadaasi ilays ku soo Kordhisay Adeegyadedii hore,

 

 

Shirkadda Saabunta ilays oo ah Shirkad Baladhan inta badan Saabunteeda u Dhoofiso Wadamo Tiro Badan Oo Geeska Africa ah ayaa labadani qaybeed ee ay shirkadani ku soo kordhisay adeegyadedii hore  ayaa ah kuwo Aanay Hore Dalka uga jirin Shirkad  Soo Saara Saabunta adag iyo Waliba Taydha Qasalada Waxaana Somaliland Hore Looga Keeni Jiray Dalka Dibadiisa ,

Maamulaha Shirkada Saabunta ilays Nuur Ducaale Diiriye Oo Madaxwaynaha Somaliland Fahfahin ka Siinayay Qaybaha kale duwan ee ay ka kooban Tahay Shirkadani ayaa waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Madaxwayne Shirkadda Ilays Waa Shirkad Baladhan Oo Waxay Taydha Noocyadeeda Kale Duwan ay u Dhofisaa Wadamo Tiro Badan,Maantana waxaynu Xadhiga ka Jaraynaa Qaybo Cusub Oo ay Shirkadda Ilays ku soo Kordhisay Shirkada Kuwaasi Oo ah Warshada Soo Saari Doonta Saabunta Adag iyo Waliba Taydha Qasaladda Waxaanu jecel nahay in Aanu Bulshada Reer Somaliland ka Dabaal-no Baahida Saabunta adag iyo Taydha Qasalada Oo Hore Dalka Dibadiisa Laga Keeni Jiray,Waxa Jirta Madaxwayne inay Shirkadani ilays ay Dagaal kula Jiraan Shirkado Dalka Dibadiisa ka Keenaya Saabunta adag iyo Taydha Qasalada waxaanu Jecel Nahay in Ganacsatada Wadanka Ee ku Howlan inay Dalka Ganacsigiisa Dhisaan la Barbar istaago Lana Taagero,Waxaanu Aaminsanahay in Labadani Qaybood ee kala ah Warshada Saabunta adag iyo Taydha Qasaladda ay Bulshada Reer Somaliland ka Dabooli Doonan Bahidii Hore Loogu Qabay Labadani Qaybood Ee Dalka Dibadiisa Hore Looga Keeni Jiray” Ayuu Yidhi Maamulaha Shirkadda Ilays Nuur Ducaale Diiriye

 

 

 

Madaxa Suuq-Gaynta Shirkadda ilays Maxamed Maxamuud Indhacade ayaa isaguna Dhankiisa Fahfahin ka bixiyay Marxaladihii kale duwanaa ee ay soo martay Shirkadani waxaanu Shegay inay Guul tahay in dalka lagu soo kordhiyo Shirkado Noocani oo kale ah oo bulshada ka baahi tira Alaaboyin hore dalka dibadiisa laga keeni jiray

 

 

Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed ibraahim Aden Qabo ayaa shirkada ilays ku amanay doorka fiican ee ay kaga jirto inay bulshada reer Somaliland ka haqab tirto alaboyinka hore dalka dibadiisa laga keeni jiray,

 

 

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) oo ka hadlay Xadhig ka Jarista Qaybahani Cusub ee lagu soo kordhiyay Shirkada ilays ayaa waxa ka mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Waxaan ku Faraxsanahay in Maanta Xadhiga ka Jaro Qaybaha Cusub ee lagu soo kordhiyay Shirkadda ilays Aad Baan ugu faraxsanahay Waanan ku Hambalyaynayaa Talabada ku Dayashada Mudan ee ay ku Talabsatay Shirkadda ilays,agana Xukumad ahaan waxa naga go-an in aanu tageerno Ganacsatada wadanka ku soo kordhiyay Shirkada Noocani oo kale ah” ayuu yidhi madaxwayne axmed siilanyo

Ugu Danbayntii Madaxwaynaha Somaliland ayaa Xadhiga ka Jaray Qaybahani Cusub ee lagu soo Kordhiyay Shirkadda Ilays ee Magalada burco.

 

Log1