DEGDEG: Koox Hubaysan ayaa weerar ku Qaaday Deeganka Ceel Garde ee Gobolka Saaxil oo Deked macmal ah laga dhisayay.

Berbera (GNN) Saaka Subaxadii Hore abaaro 5 tii ayaa  koox dablay ah oo kasoo jeeda Gobolka Saaxil waxa ay weerar ku qaadeen Deeganka Ceel Garde halkaas oo ay ku sugnaayeen shaqaale kasoo jeeda Deeganka Bariga Burco kuwaas oo ku hawlanaa dhismaha Deked Macmal ah oo qaab beelaysan ay udhisanaysay Beesha Madaxweyne Siilanyo.

kooxdan weerarka qaatay oo lagu qiyaasay 10 neeyo ayaa watay laba gaadhi oo surf ah waxana la sheegay inay galeen buuraha ku teedsan deegaankaasi.

weerarka wax dhaawac iyo dhimasho ah midna ma sababin marka laga reebo waxyeelo loo geystay qalabkii iyo gaadiidkii dekedkaas macmalka ah lagu dhisaayay 

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Mayarka Degmada Berbera iyo Xildhibaano socdaal ku maarayay deegamada galbeedka Gobolka saaxil ayaa deg deg usoo gabagabeeyay socdaalkaa kuna soo jeeda Magalada Berbera si ay xalinta dagaalkaa uga qeyb galaan.

 

Gabileynews Network.