Dhacdo:-Wiil Yar Oo Laga Xaday Gudaha Magaalada Hargeysa Oo Ka Warbixiyay Sidii Loo Qaatay Iyo Cidda Qaadatay

Hargeysa(GNN)Waxaa muddooyinkii ugu danbeeyey ku soo kordhayey magaalada Hargeysa caruur yar-yar oo la xado,waxaana jira shabakado isku xidhan oo ka qawleystay kana ganacsada inay xadaan caruurta yar-yar.
Kooxahan caruurta yar-yar ka xadda waddooyinka magaalada Hargeysa ayaan la garaneyn meelaha ay geeyaan caruurta yar-yar,waxaana ay inta badan xadaan caruurta ay da’doodu u dhaxeysa 6 illa 10 sano jir.kooxahan caruurta xadda ayaa markay baadhaan caruurta yar-yar ka ay ka helaan xanuun dib ugu soo celiya meeshii ay ka qaadeen markii hore.

thumb-1-90x90
Hadaba dhawaan ayay ahayd kadib markii laga xaday Wiil yar oo ku nool degmada Axmed Macallin Haaruun ee magaalada Hargeysa waxaana wiilkani uu ka sheekeeyey sidii loo xaday iyo halkii laga xaday,waxaana markii ay wiilkan yar baadheen uu buuxin waayey shuruudihii ay u baahnaayeen,waxaana ay dib ugu soo celiyeen meeshii ay ka qaadeen waxaana uu yidhi.
“Anoo madarasida ku sii socda,ayaan arkay gaadhi soo cararaya.gaadhiguna wuxuu ahaa Land Cruiser madow,waxaan arkay gaadhigii oo xaggeyga u soo socda,gaadhigiibaan is idhi yaanuu kujiidhin oo waan istaagay Gaadhigii waxaa ka soo degey nin,ninkii wax qoyan ayuu gacanta midig iga mariyey,gaadhigiibaan caadi ugu wada jeedsaday,haddana wixii oo kale oo qoyan ayuu igu shubay oo qadhmuun oo kulul,gaadhigiibuu nin ka soo degey,gaadhigii uu ninkii ka soo degey anigiiba u waydaartey,markii uu kitaabkii gacantay ku jirey iga qaaday ayaa miir iigu danbeysey”Ayuu yidhi Wiilkan yar ee laxaday.
Wiilkan yar ayaa sidoo kale ka sheekeeyey markii la baadhayey wixii uu arkay waxaana uu yidhi.
“Waxaan arkay iyada oo mishiin dhabarka igaga rakiban yahay iyo waxyar oo aad tuunbo mooddo oo sida korontada ii soo dhufanaaya,nin afka reer xamarka ku hadlayey ayaa igu yidhi sariirtan kor,markaa dharkii way iga wada bixiyeen,sariir baa la isaarey,kaddib wax yar oo kulul ayaa la imariyey,wax yar oo aan garanayn waxuu ahaa ayaa caloosha iga mariyeen”
Waxaana uu sii raaciyey isaga oo hadalkiisa wata
“Laba naagood oo caddaan ah ayaa halkaa ka soo baxay,midina waxay sidataa waxaan baaldi u maleynaayey,labadii dhinac ayey iga kala istaageen,kaddib waxii lay saaray waxay soo saarayeen waraaqo, ninkii caddaanka ahaa ayaa eegay,kaddibna uu tuurey, kii Soomaaliga ahaa ayuu la Hadley,dabadeeto ninkii Soomaaliga ahaa ayaa igu yidhi waar xanuun beerka kaa hayaa ma jiraa,umabaan jawaabinee,ninkale oo halkaas soo fadhiyey ayaa yidhi waar niyow naga tuuroo,naga qaada waxa”Ayuu yidhi wiilkan yar.
Waalidka wiilkan yar dhalay ayaa ku farxay maadaama uu wiilkoodu u soo nabad noqday,waxaana ay u mahadnaqeen Illaahay, sidoo kalena waxay shegeen in inankodii ay maalmo badan la’aayeen lagu soo celiyay xaafada badhtankeedii.
Dhinaca kale maamulka iyo macallimiinta ku nool degmada Axmed Macallin Haaruun ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaditaanka caruurta yar-yar ee ku soo badanaya magaalada Hargeysa iyada oo ay xukumadda Somaliland aanay waxba kala socon isla markaana aad moodo inay hawlahaas ay kaga mashquuleen danahooda gaarka ah.

GABILEY.NET
HARGAYSA  OFFICE