Guddoomiye Cirro Oo Maanta Cisbitalka Hargeysa Ku Booqday Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii iyo Siyaasi Iskeerse

Hargeysa(GNN) Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo booqday Cali Maxamed Maxamuud oo ah madaxweyne Siilaanyo walaalkii, sheekh Siciid Sheek Cabdiraxmaan Sheekh Maydh oo ah Muriidka Sheekh Isxaaq ee Maydh, iyo siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo dhammaantoodba muddooyinkii dambe xaalad caafimaad u jiifay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

ciro-cisb-1

 

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu horeyn qolka uu cisbitalka kaga jiro ku booqday Cali Maxamed Maxamuud oo ah madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) walaalkii oo xaalad caafimaad u jiifa, waxaana uu ugu horeyn sheegay in Alle uga baryey in uu caafimaad deg-dag ah siiyo.
Cali Maxamed Maxamuud oo isna halkaas erayo kooban ku yidhi guddoomiye Cirro intii uu la joogay, ayaa sheegay in uu uga mahad-celinaayo booqashadiisa uu ugu yimi, isaga oo u ku amaanay wanaag badan, sida oo kalena u sheegay in uu yahay madaxweynaha dalka isla mar ahaantaana loogga baahan yahay in uu dalka tuulo tuulo u tago.

ciro-cisb-1

“Cabdiraxmaan madaxweyne, ayaad tahay dhagax-dheer ayaan kugu sugayey berigii dhaweyd ee aad socdaalka ku soo martay deegaanadaas, aniga iyo dadka deegaankaas oo dhammi diyaar ayaanu kuu ahayn, illaa 20-gaadhi ayaanu u diyaarinay soo dhaweyntaada, se waad naga lee xatay , waxaana aan kuu soo jeedinayaa ileyn madaxweyne ayaad tahee in aad deegaanada oo dhan socdaal ku soo marto, anaguna soo diyaar ayaanu kuu nahay, waana aanu ku sugaynay imikana dadkii dhammaantood waa kuu diyaar ee waa in aad socdaal ku timaadaa.”.Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo walaalkii Cali Maxamed Maxamuud
Inta ka dib waxa uu Cabdiraxmaan Cirro booqday siyaasi Maxame Cabdi Iskeerso oo muddooyinkii dambe isna xaalad caafimaad u jiifay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, waxaana uu isna Alle uga baryey in uu caafimaad siiyo sida oo kalena uu ka dulqaado xanuunka haya.

ciro-cisb-1

Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso oo isna guddoomiyaha la hadlay, ayaa uga mahadceliyey booqashadiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu Alle uga baryaayo in Eebe uu muraadkiisa siiyo.
“Guddoomiye Cabdiraxmaan, aad ayaan kaaga mahad-celinayaa soo booqashada aad isoo booqatay Allena waxa aan kaaga baryeyaa in aad muraadkaaga hesho.”.Ayuu yidhi Siyaasi Iskeerse
Ugu Guddoomiye Cirro oo booqashadiisa sii wata, ayaa waxa kale oo uu qolkiisa ku booqday Sheekh Siciid Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Maydh oo ah Muriidka Sheekh Isxaaq ee Maydh , waxaana uu isna Alle uga baryey in uu caafimaad sareecana siiyo isaga oo umadda Islaamka ahba.

 

GABILEY.NET

HARGAYSA OFFICE