GUDDUUMIYAHA XISBIGA WADDANI OO KA HINAASAY CALAMADDA KULMIYE OO TUULLOOYINKA CEELBAXAY IYO BOON KU QAABILEEN

Hargaysa(GNN):-Weftiyo kala duwan oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),ayaa safar ay gobollada galbeedka ku marayeen waxa ay saaka aroortii hore ku kulmeen Tuullooyinka Boon iyo Ceelbaxay,halkaasoo labadda Xisbiba lagu qaabilay Calanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE, taasoo yaab iyo anfariir ku ridday Weftigii uu horkacaayay Cabdiraxmaan Cirro.

gudoomiye-cirro(1)
Inkastoo aannu jirin war rasmiya oo arrintaas ku saabsan, haddana waxa Mas’uuliyiin kala duwan oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa noo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu ka cadhooday Calamadda Xisbiga KULMIYE oo lagu qaabilay labadda Wefti oo is daba socday.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka cadhooday Calanka Xisbiga KULMIYE ee lagu qaabilay, waxaannay arrintaasi ay ku keentay innuu ku tiraabo hadalo aflagaado ah oo caytan ah, isla markaanna waxa uu hadallo Hanjabaad ah u diray Madaxda sarre ee Xisbiga KULMIYE, waxaanna ka mid ahaa hadalladii uu yidhi “Arrintani waa Shirqool aad qoladiinna KULMIYE ka dambayseen, laakiin waxaad ogaataan inaan iska kiin celin doonno.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

 

GABILEY.NET