Gudoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Xuska 18-May Oo Loo Magacaabay Aqoon-yahan Fartaag.

“Waxa ii farxad ah in aan bulshada reer Somaliland ee deggen dalkan UK si xishmad leh ugu war geliyo in sannad guurada 25-aad ee la soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland sannadkan dunida oo dhan looga xusi doono si ballaadhan.Sidaa awgeed waxa hawsha sannadkan loo magacaabay oo hormood ka noqon doona Insha Allah Aqoon-yahan Maxamed Cumar Maygaag (Fartaag) oo waaya-aragnimo badan u leh agaasinka hawlaha noocan ah.Haddaba, waxaanu axsaabta, ururrada iyo bulshadeenna guud ahaan ka codsanaynaa in si buuxda hawshaa baaxadda leh loogu garab galo Maxamed oo mar walba hagar la’aan dalkeenna ugu adeega.”Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray  danjire Cali Aadan.