DAAWO:Kulan Ku Saabsan Gurmadka Abaaraha Somaliland oo Lagu Qabtay London.

Waxaa xalay magaalada London lagu qabtay xaflad balaadhan oo qaadhaan/tabarucaad loogu ururinayey dadka abaaruhu ku habsadeen ee gobolada Galbeed iyo Hawd ee Somaliland. Xafladdan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda horumarinta bariga Africa ee EAD, waxaa kasoo qayb galay Safiirka JSL ee UK Ali Aden Cawaale iyo Marti sharaf kale oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshadda sida culimowdiin, madax-dhaqameed, haween, Wakiilo ka socday Xisbiyada iyo wax garad. Waxaa kalmado soo dhaweyna ku furay gudoomiyaha Hay’adda EAD Ahmed Kadleye, kana hadlay muhiimadda midnimada iyo waxwada qabsigu inoo leeyahay. Intii kulanku socday waxaa muxaarado diini ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen kulanka ka jeediyey Sh. Mohamed Osman iyo Sh. Mohamud Dalmar oo ka mid ah culimada reer London.

Hay’adda EAD waxay u mahadnaqaysaa dhammaan bulshadii reer Somaliland ee sida hagar la’aanta ah Tabarucaadka ugu deeqay dadkooda baahan ee abaaruhu ku habsadeen. Jasaa’akum Allaah dhammaantiin.
Gabogabaddii, Hay’adda EAD waxay ku guubaabinaysaa dhammaan bulshada Somaliland in ay ka qayb qaataan Gurmadka abaaraha. Wixii tabarucaadka waxaad kusoo hagaajin kartaa, sanduuqa abaaraha, Dahabshil HRGD34184 East Africa Development ( EAD )

www.eastafricadevelopment.org