Madaxwaye Siilaanyo oo La Filayo inu Safar Ku Tago Dalka Imaaraadka Carabta.

Hargeysa(GNN)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay socdaal ku tagaan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Warbaahinta u sheegay ilo xogogaala.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inuu dalkaas kulamo kula soo yeelan doono qaar ka mid ah madaxda Imaaraadka Carabta, waxaana la filayaa in madaxweynaha ay madaxda Imaaraadku kala hadli doonaan dekedda Berbera oo ay shirkadda DP World aad u xiisaynayso in maamulkeeda lagu wareejiyo si ay maalgashi ugu samayso.
Madaxweynaha, ayaa waxa kale oo laga yaabaa inay dawladda Imaaraadka Carabta ka wada hadlaan sii xoojinta xidhiidhka labada wadan.
Weftiga, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka mid noqon doono wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiro kale. Sidoo kale waxa Madaxweynaha safarkiisa ku wehelin doona wakiilka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo ah wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay.