MADAXWEYNE SIILAANYO OO UBAXAY XERADA TABABARKA CIIDAMADA EE DARAR-WEYNE.

Hargeysa (GNN) Madaxweynaha Somaliland Mudane, ayaa saaka u baxay dugsiga tobobarka ciidamada ee Darar-weyne, halkaas oo uu tabobar ugu soo xidhi doono qaar ka mid ah ciidamada oo mudooyinkii ugu dambeeyey tabobar ku jiray.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehelinaayey taliyayaasha ciidanka, qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

Dhawaan ayey ahayd markii uu madaxweynuhu darajooyin ku bixiyey degmada Oog oo ka tirsans gobolka Saraar, iyadoo taariikhda markii ugu horaysay ahayd in darajooyin lagu bixiyo meel ka baxsan caasimadda.

GABILEY.NET