Muuse Biixi Oo Beeniyey Inuu Khilaaf Soo Kala Dhexgaley ku Xigeenkiisa, Kana Hadley Dhacdadii Goobta Diiwaan Galinta.

Hargeysa(GNN): Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna Musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa ka war bixiyey safarkii uu ku soo maray gobolada galbeedka dalka.

Musharax Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay aragtida uu ka qabo goobtii lagu diwaan gelinayey dadka ee lagu weeraray deegaanka Hayta ee hoos yimaada degmada Lughaya iyo khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay musharax ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

download (1)
Ugu horayn Musharax Muuse Biixi oo ka hadlaya safarkii uu ku soo maray gobolada galbeedka ayaa waxa uu yidhi “Arintaasi si guul ah ayey ku soo dhamaatay aadna raali ayaanu uga nahay, waanu bogaadinaynaa gobolka, dadka madaxdiisa iyo sidii ay isku abaabuleen, niyadii ay u hayeen, guddida doorashooyinkana waanu bogaadinaynaa hawshaas si fiican ayey u wadeen, wixii caqabado ah ee laga baran karana waynu ka baranaynaa oo xaga danbe ayaa laga sixi doona, waxaanan qabaa inay hawshaasi 90% ku soo dhamaaday safarkaasi.”ayuu yidhi Musharax Muuse Biixi oo u waramay HCTV.
Sidoo Musharax Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka jawaabay eedayntii uga timid gudoomiyaha xisbiga Ucid ee la xidhiidhay inay olole u rogeen hawlihii diwaan gelinta waxaanu yidhi “Waxay ila tahay inay xisbiyadu joogaan waa waajib, shaqadoodana way gudanayaan waanay ku amaanan yihiin, xisbigii ka habsaamaa isaga ayaa eeda leh, ninkii doorasho doonaya waa inuu diwaan gelinta abaabulaa, waa inuu taageero siiyaa guddida doorashada, waa inuu dadka ku taageeraa is diwaan gelinta, waa in dimuqraadiyada iyo doorashada loo diyaar garoobaa, xisbiga intaas fuliyaa wuu ku amaanan yahay xisbigii ka maqnaadana isaga ayey jirtaa.”

Musharax muuse Biixi ayaa sidoo kale ka hadlay aragtida uu ka qabo weerarkii lagu qaaday goobtii diwaan gelinta ee deegaanka Hayta waxaanu yidhi “Uma aragno fal yar oo iska dhacay marka hore waa danbi qaran, waxaanan u aragnaa inay tahay mid lagaga hor tagayey qabsoomida doorashada inaan dalkan dimuqraadiyadiisa iyo doorashadiisu hir gelin, cida falka gaysatay waa cid sidata magacyo dhaqameed oo suldaan gaadhaya, suldaan nabada ka shaqeeya oo inamadiisa qabta ayeynu aragnay ee waa inoo kow suldaan qori ku weerara meel qaran oo hadana magaca suldaan sheeganaya, taasina waa mid aan la qaadan Karin meel ka dhac ayaanay ku tahay magaca dadka dhaqanka ee heerkaas gaadhsiisan, qarankiina waa nin danbiile ah, danbi qaran ayuu faraha kula jiraa umadii dhamayd ayuu doorashadeedii iyo hawlaheedii ka hor yimid, nabadiina khal khal ayuu galiyey, markaa iyagu waa eedaysanayaal waxaana gacanta ku haya hay’addaha nabad galyada, waxaanan hubaa in dambigooda la baadhayo maxkamadna la hor keenayo wixii ay mutaysteena lagu qaadayo.”

Ugu danbayn Musharax Muuse Biixi waxa uu meesha ka saaray inuu wax khilaaf ahi soo kala dhex galay ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici waxaanu yidhi “Waa I warkaagaa, waana sheegaa ma dhaafto, mana hayno warkaa, madaxweyne ku xigeenka imikaan ka imid oo aan hawl wada leenahay, anagu warkaas ma hayno manaan maqal, warkaana soo cadeeyo oo keena halkii ay wax ka dhaceen.”
GABILEY.NET
HARGAYSA OFFICE