Qaadashada Cardka Codbixiyaha iyo Muuhimada uu u Leeyahey Bulshada Gabiley iyo La Tartanka Gobolada Kale.

Waxa maalmahan saxaafadu qoreysay,aadna looga hadal hayay baraha bulshadu ku xidhiidho arin khuseysa Gobolka Gabiley.Taasi oo la leeyahay waxa la dhamaystirayaa Gobolnimadii Gabiley,oo golaha wakiilada ayaa la hor geynayaa,oo xisbi hebel ayaa Moshinkaasi golaha hor dhigaya.Waa wax horta aniga shaqsiyan aan la yaabanahay.

Waayo waxa aan u soo joognay filimo hore oo khuseeya Gabiley iyo arimaheeda.

Bal u fiirso, March.12.2003 ayaa iyada oo olole lagu jiro waxa yimid magaalada Gabiley Madaxeyne Dahir Rayaale Kaahin,isla markaana ahaa musharaxii Xisbigii waqtigaa talada hayey ee UDUB.Soo dhaweyn hab-maamuus madaxweyne oo lagu soo dhaweeyay ka dib,waxa loo galbiyey fagaaraha kheyriyada.Khudbadii Rayaale ee maalintaasi waxa ay ahayd Gabiley Gobol ayaan siin doonaa haddii aan ku guuleysto doorashada.Waayahay,maxaa xigay.

March.16.2003 ayaa waxa magaalada Gabiley isna maalintiisii yimid Madaxweynaha hada Ahmed Mohamed Mohamoud(Siilaanyo) oo waqtigaasi ahaa guddoomiyihi xisbiga Kulmiye,isla markaana ahaa Musharaxii xisbiga KULMIYE.

Soo dhaweyn laxaad leh oo ciidu dhaqaaqday ayaa loo sameeyay,waxana loo gelbiyey fagaaraha Kheyriyada.Balantii maalintaasina waxa ay ahayd (Gobolnimadii Gabiley maanta ayaan bixiyey,sidaasi ayaanay ku tahay Gobol).Damaashaadkii ayaa cirka gaadhay,taasina maalin ayay ahayd.

Doorashadii ayaa dalka ka qabsoontay APRIL.14.2003,Waxana ay Guddida doorashooyinku ku dhawaaqeen April.19.2003 natiijadii doorashada,waxaanay sheegeen in guushu raacday Xisbiga UDUB.Waxana bilaabantay naawilaada goorta Rayaale ku dhawaaqayo magacaabista Gobolnimada Gabiley.Laakiin may dhicin in Rayaale magacaabo gobolkii,waxana sida la ogyahay arintaasi raali galinweyday Wasiirkii gobolka ka soo jeeday Osman Hassan Mire oo xilligaasi ahaa wasiirka Duulista,oo Rayaale isla fahmi waayeen in la fuliyo balantii Gobolnimada Gabiley,ka dibna Wasiir Osman sidii awgeed isku casiley.

Markii ay dhamaatay muddo xileedkii la doortay Rayaale ayaa mar labaad la soo celiyey hadal haynta Gobolnimada Gabiley.

March.18.2008 ayaa madaxtooyada looga yeedhay siyaasiyiinta,waxgaradka iyo cuqaasha ka soo jeeda Gobolka,waxana uu halkaasi ka sheegay in Maanta uu bixinayo Gobolkii,waliba waxa uu carabka ku dhutay Gobolkii aanu isku seegnay walaalkay Cisman Xasan,Waa sida ay saxaafadu qortaye.

March.22.2008 dii ayaa Madaxweyne Rayaale ku dhawaaqay Liis ka kooban sideed Gobol iyo degmooyin badan.

Waxa kale oo xusid mudan in mar labaad hadana doorashadii 2010 kii lagu galay olole gobolnimada khuseysa.Ciddii Gobolku u hiiliyeyna ahayd KULMIYE,balse aan lag helin gobolnimada in uu buuxiyo.

Isku soo wada duub,maanta maxaa taagan,waa tii tu la mid ah.Waxa la yidhi beri ayaa waxa jiri jirtay Geenyo mucjiso ah,magaceeda la odhan jiray BIXIN,oo ku noolayd doox biyo leh oo bulshada xoolo dhaqatada ahi ku badan tahay.Geenyadani waxay ahayd mid aad u laylyan,mana jirin cid gaar u lahayd.Waxana Geenyadan jarayn jiray maalinba ninkii dan leh,kuna soo fushan jiray dantiisa.Maantana arimuhu waxa ay marayaan Maalmihii Danaha.Haddaba waxa aan leeyahay Gobolku yaanu noqon Geenyadii BIXIN ee maalinba ninkii dan lihi jaraynayay.

Qadiyada gobolnimadu waa arin sharci,sharcigana waxa gacanta ku hayaa waa Fulinta iyo Sharci dejinta.Maanta guddooiyaha golaha wakiiladu waa musharax u taagan in uu qabto hogaanka dalka,wax kasta oo xukuumada iyo xisbigeedu wataan oo sumcad u ah Kulmiye iyo xukuumadiisa lagama yaabo in uu fuliyo,qoladan kulmiyana sidaas si leeg,oo waynu ognahay in ay isku lidi yihiin,run ahaana golaha wakiiladu maanta waxa ay yihiin qaar ku shaqeeya nidaam xisbi oo waqtigoodii wuu laba jeer dhamaaday.Mar haddii sidaasi la isku hayana ma muuqato gobolnimo.

Cida shacbigu uu codka siinayaa doorkan waxa ay khusaysaa laba dhinac,maadaama ay tahay laba doorasho oo isa saaran,kuwaasi kala ah doorashada Golaha wakiilada iyo madaxtooyada.Waxana aaan ku dhiirigalinayaa shacbiga in ay qaataan Card ka codbixiyaha si loo soo saaro 10 xubnood oo ka mida 20 kursi ee uu ka kooban yahay Gobolkan Maroodi-jeex ee aynu ka mid nahay qaab doorasho ahaan (waxu gobolka gabiley kamid yahey maroodi jeex marka codeynta laga hadlayo).

.Taasi ayaa ka faa ido badan in shacbiga gobolka lagu dhiiri galiyo in ay qaataan Card ka codbixiyaha.Ugu yaraana waa la soo saari kayaa 7 kursi.

Sida caalamka ka jirta xisbiyada waxa lagu kala doortaa xisbi walba halka uu kaga suntan yahay waxqabadka adeega bulshada,oo gacanta codbiyaha waxa haga waxa uu xisbigu qabtay doorkiisa uu talada hayo.Taasina haddii la qiimaynayo oo si guud loo eegayo waxqabadka la qabtay muddadii dowlada Kulmiye ee Madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo) waa mid muuqda oo aan is leeyahay qof qiimayntu dhabka ka tahay oo aanay wax kale eegaynin in aanu qarinaynin.

Ugu dambayn waan soo dhaweynayaa haddiiba ay jirto cid ka hawlgalaysa ansixinta Gobolnimada Gabiley.Laakiin qadiyada hada taagani waa in bulshada gobolka lagu dhiirigaliyo qaadashada Card ka cod biyaha,mana aha muhiimadu in laga hadlo cidii la siin lahaa,ee qaadashadiisa ayaa gobol ahaan inoo taala.

Ahmed Mohamed-daahir Osman

galooley92@gmail.com