Qarax Ka Dhacay Magaalada Baydhabo oo Dad Badani Ku Dhintay.

 Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda hub ka dhigista ee maamulka Koofur Galbeed.

BBC:in kabadan 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Qaraxyada waxa ay ka dheceen hoteel iyo maqaayad dhallinyaro ay ku daawanayeen ciyaar kubadda cagta ah. Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxyadaasi, qaar ka mid ah dhaawacoodana aad ayuu u culusyahay sida uu sheegay maamulaha cisbitaalka
Baydhabo. Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda hub ka dhigista ee maamulka Koofur Galbeed. Goobaha la weeraray waxaa ku badnaa siyaasiyiin iyo qurba joog, weerarkana waxaa sheegatay xarakada Alshabaab.