Shirkada Daallo Airline oo Eedeyn u jeedisay Shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airlines.

Maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Daallo Airline ayaa eedeyn waxa ay usoo jeediyeen Shirkada Turkish Airweys , waxa ayna ku eedeeyeen shirkadan in aysan la wadaagin xogo dhanka amaanka ay Diyaarada Turkiga laga leeyahay u hakisay Duulimaadyadii Muqdisho.

Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin, oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AP, ayuu sheegay in Shirkada Turkish Airlines aysna la wadaagin xogta ku aadan sababaha ay u hakiyeen duulimaadyadii ay Muqdisho ku tagi jireen.

Waxa uu xusay Maxamed Ibraahim ,in Shirkada Turkish Airlines, ay hakiyeen labo duulimaad ay Muqdisho ku tagi laheed, waxa uuna raaciyay in Rakaabkii raaci lahaa shirkada Turkish Airlines, lagu soo wareejiyay shirkada Daallo.

Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines ayaa tilmaamay in sababaha ay Shirkada Turkish Airlines u soo wareejisay Rakaabkaasi ahayd iyagoo helay Warar dhinaca Sirdoonka oo ku aadan Cabsi dhinaca Ammaanka, balse aysan Shiradaasi la wadaagin Shirkada Daallo.

”Waxaa fileynaa in Shirkada Turkish Airlines ,ay heshay nuuc Digniin ah oo dhinaca amaanka ah , mana aysan nala wadaagin digniinaha ay heleen , waxaana sidaasi ku go’aansanay in aan qaadno rakaabkii Shirkada Turkish ” Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Yaasiin.

Waxa uu sheegay Maxamed Ibraahim Yaasiin, in ShirKada Daallo Airlines ay go’aansatay in ay si KMG ah u hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen Magaalada Muqdisho sababo la xariira qaraxii ka dhax dhacay Shirkada Daallo.

Guddi Baaritaan ayaa wali ku hoolan ogaanshaha waxii uu ahaa qaraxii ka dhax dhacay Shirkada Diyaaradaha Daallo Airline, mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Guddiga baaritaanada ku hoolan.

 

Log1