Akhri Warbixin Caalami ah Somaliland oo lagu daray liiska Wadamada Xorta ah, halka Somaliya ay ka gashay kuwa aanay Xoriyadi ka jirin.

Ururka Caalamiga ah ee la yidhaa Democracy watchdog organisation (Freedom House ) ayaa soo sii daayay warbixin sanadeed ay ku qiimeeyaan dalalka Dunida,warbixinta sanadka 2016 ka oo dhawaan ururkaasi sii daayay ayaa wadamada Dunida u kala saartay sadex qaybood oo kala ah wadamo xoriyad buuxda ay ka jirto ,kuwa qayb ahaan xor ah iyo kuwa haba yaraatee aanay wax xoriyad ah dadkoodu haysan.

somalilandmap

Hadaba sida aad ku arkasaan Mapka sare  warbixinta ayaa si cad u kala saartay wadamada Somaliland iyo Somaliya ,iyada oo Jamhuuriyda Somaliland la raaciyay wadamada qayb ahaanta xorta ah iyadoo ka hor martay dhamaan wadamada Geeska Afrika oo Somaliyana ku jirto kuwaas oo warbixintu tilmaantay in dadkoodu aanay wax xoriyad ah haysanin,sidoo kale Somaliland waxay ka horaysaa wadamada quwadaha waaweyn qaarkood sida Ruushka iyo Shiinaha .

Sida lagu daabacay bogga uu internetka ku leeyahay ururkaasi ,Somaliland waxa ay hoos ugu dhacday wadamada aan xoriyada buuxa haysanin kadib markii aqalka sare ee baarlamanka Somaliland uu dib udhigay mudo 22 bilood ah  doorashooyinkii lagu waday inay qabsoomaan sanadka 2015 .

hakan ka akhri.

https://freedomhouse.org/report/freedom-world/2016/somaliland

Halkan guji si aad u sii akhrdo warbixinta oo faahfaahsn

https://freedomhouse.org/report/freedom-world/freedom-world-2016

Gabileynews Network.