Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA oo warsaxaafadeed soo saaray

Hargeysa (Gabiley.net) Waxa xafiiska Shabekada Gabiley.net ee Magaalada Hargeysa soo gaadhay Warsaxaafadeed ay soo saareen ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA), kaas oo u dhignaa sidan: –

KU: DHAMAAN WARBAAHINTA MADAXA-BANAAN.

UJ: HAMBALYADA XILKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILAND.

Ururka Qareennadda Somaliland (SOLLA) wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan bahda Sharciyaqaanada Dalka JSL, gaar ahaan

Bahda Qareenadda Somaliland, isagoo ku hambalyeynaya xilka Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland ee maanta 15/02/2016 uu Madaxweynaha Somaliland ku magacaabay Qareen C/raxmaan Aw. Cilmi Faahiye (Shamax).

Qareenkan oo ahaa garyaqaan waayo arag ah sidoo kalena hore u ahaa aqoonyahan ku xeel dheer mihnada saxaafadeed muddo badana kusoo shaqeeyey mihnadaasi.

Ururka Qareenadda Somaliland waxay ilaahay uga rajaynayaa inuu xilkan culus ee loo magacaabay uu ku garab galo.

Guul & Gobonimo.

Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA)