WAR DEG-DEG AH MUDAHARAAD MAALINTII LABAAD KA SOCDA MAGAALADA SHEEKH.

Sheekh(GNN)-Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Wareejinta buurta qaras goo oo xukumada somaliland ku wareejisay ganacsade carbeed ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Sheekh Oo Hoos timaada gobolka Saaxil.
Mudahaaradka oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan magaalada sheekh ayaa waxay kaga soo horjeedaan Wareejinta Buurta caanka ku ah macdanta ee Qaras’Goo Oo Xukumada Somaliland sida la sheegay ay ku wareejisay ganacsade Carbeed oo kasoo jeeda Dalka Kuwait.
Warar Ay helayso shabakada GNN ayaa sheegay in ilaa hada mudaharaadku ka socdo magaalada sheekh walow aanu mudaharaadkani sababin wax khasaare ah oo dhimasho ah marka laga raabe askari ka tirsan ciidanka booliska degmada sheekh uu shalay ku dhaawacmay mudaharaadkaasi.
Xukumada somaliland gaar ahaan Maamulka gobolka saaxil Iyo Degmada Sheekh ayaan iyagu wali ka hadal mudaharaadkani iyagoona dhagaha ka furaystay,
Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka Gabiley.Net