Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadashay Shirkaddo Diyaaradeed Oo Caalami Ah Oo Codsiyo Usoo Qortay Dawlada Somaliland

Waxaa kale oo ay Wasaaraddu ka hadashay siyaasadda Wasaaradda ee ah in shirkado caalami ahi ay ku soo xidhmaan Madaarka Cigaal iyo sida ay ahmiyadda u siiso shirkadaha diyaaradaha ee soo kordhaya iyo kuwa hadda dalka ka hawl gala wada shaqayntooda.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, oo warbaahinta qaar la hadlaay ayaa intaa ku daray farriin uu u diray dadka Mad aarka Cigaal ka dhoofaya taasoo uu ugu sheegay alaabooyin ay mamanuuc tahay in lagala dhoofo Madaarka Cigaal iyo dhammaan Madaarrada kale ee dalka oo dhan waxaana uu yidhi.

““Horta Madaarradu way isku xidhan yihiin oo dhacdada Madaar kale ka dhacdaa saamayn ayay kugu yeelanaysaa gaar ahaan marka ay ka dhacdo Madaar aad duulimaadyo wadaagtaan Madaarka Cigaal-na wuxuu ku xidhan yahay Madaarrada dalalka Soomaaliya,Jabuuti,Kenya Itoobiya iyo dalalka Carabta iyo wadamo kale. sidaa darteed dhacdo kasta oo dhacdaa saamayn ayay yeelanaysaa midda kale garoomadu waxay leeyihiin cadaw badan oo beegsanaya diyaaradaha iyo dadka rakaabka ahba markaa waxaa khasab ah in dhibaato kasta oo dhacda oo agtaada ka dhacda in aad wax ka barato tallaabooyin hor leh oo wax ku ool ah isla markaana suuro gelinaya bad-qabka garoonka dadka iyo diyaaradaha loogu adeegayo”.

Sidoo kalena agaasimuhu isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shaaciyay waxyaalaha ay kusoo kordhiyeen madaarka Cigaal Internationl Airpot waxaana uu yidhi.

“waxaanu soo kordhinay baadhitaanno hor leh oo cusub oo lagaga hor tegayo in ay dhibaato dhacdo taasoo laba qeybood kala ah oo midina ay tahay baadhista dadka iyo alaabta dhoofaysa midna ay tahay alaabooyin la mamnuucay in ay garoonka Cigaal ka dhoofaan si looga hor tago khatar kasta oo ka iman karta.  Markii hore dadka waxaa la baadhi jiray laba goor imikana waxaa la baadhayaa saddex jeer oo waxaanu soo kordhinay marka ugu dambaysa ee Diyaaradu ay kacayso in dhammaan rakaabka ka dhoofaya Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa in la baadho iyadoo illaa kabaha la bixinayo.waxaa kale oo la baadhayaa dhammaan alaabooyinka ay dadku sitaan iyadoo shay shay loo eegayo lana hubinayo in ay alaabtaasi ammaanka khatar galin karto.waxaa kale oo la mamnuucay in ay garoonka ka dhoofaan oo ay dadku qaataan dhammaan alaabooyinka dareeraha ah sida Malabka,Subagga,biayaha ka badan in qof cabi karo.Muqmadda iyo wax kasta oo dareere ah”sidaas ayuu yidhi agaasime Cumar

Agaasimaha wasaaradda Duulistu isagoo wali hadalkiis sii wata ayaa waxa uu sheegay in madaarka Cigaal uu mashquul noqday tan iyo markii madaarka Muqdisho diyaaradii ka kacday ee DAALLO la qarxiyay, waxaanu tilmaamay in dad badan oo ku degi jiray Muqdisho ay hadda ka degaan madaarka Hargeysa,waxaanu yidhi

“Horta Saamaynta ay keentay waxay tahay in Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee Caasimadda Somaliland uu noqday madaarka kaliya ee ay ka soo degaan dhammaan duulimaadyadii tegi jiray Garoonka Muqdisho ee Soomaaliya oo dhacdadii weerarka Daallo ee ka dhacday ka dib ay shirkaduhu ka wareegeen oo ay ku dhiiran waayeen taasina waxay garoonka  ku soo kordhisay duulimaadyo badan oo markii hore Muqdisho tegi  jiray waxaanu maanta Garoonku yahay madaarka kaliya ee ay ka soo wada degaan kana dhoofaan dadkii Soomaaliya ka degi jiray ama ka dhoofi jiray,waxaa kale oo uu Madaarku ku xidhan yahay dalalka Geeska Afrika oo wuxuu duulimaadyo joogto ah la wadaagaa dalalka Itoobiya,Jabuuti,Kenya iyo dalalka Carabta oo illaa Sucuudiga ayaa dadkii  uu Muqdisho ka dejinayay halkan(Cigaal) soo mariya.markaa mashquul ayay taasi keentay in dhankayaga aanu kor u qaadno ammaanka guud ee garoonka iyo ka dadka ka dhoofaya ama ka soo degay”

Gabagabadiina waxa uu agaasimuhu sheegay inuu madaarka cigaal noqon doono dhawaan madaar ay kasoo wada dagaan dhamaan diyaaradaha kasoo dagi jiray madaarada kale sidoo kalena waxa uu carabka ku dhuftay inay shirkado caalami ah oo diyaaradeed ay arjiyo ama codsiyo ruqsad duulimaad usoo dirsadeen masuuliyinta wasaarada dulista iyo hawada iyo xukumadaba.

 

Log11