Wasiirka Arimaha Dudaha Oo Laba Gaadhi Oo Bas Ah Ku Wareejiyay Gudoomiyaha Degmada Ceerigaabo Iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Sanaag+Sawiro

Labadan Bas Ee Uu  MaAnta Wasiirku  Ku Wareejiyey  Maayirka  Magaalada Ceerigaabo Iyo Guddoomiyaha Jaamacada  Sanaag University  Ayaa Ahaa   Kuwo   Hore  Uu  Wasiirka Iyo   Wafti  Balaadhan Oo  Socdaal  Shaqo Ku  Tagay  Gobolka Sanaag   Ay  Ka  Codsadeen  Ardayda  Iyo  Maamulka Jaamacada  Sanaad.

Waxaana  labadan  bas  loogu  tallo  galay  Jaamacada Sanaag  Kuwaasi  oo  Qaadi Doona Ardayda jaamacadaasi.

Wasiirka Oo  Ka  Halay  Wareejinta Labadan Bas Ayaa Sheegay  In  Ilaahay  Ku  Asturay  Balnqaadkii Ay   U   Qaadeen  Maamulka Iyo  Ardayda Jaamacada Sanaad University  Waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa “Labadan  Baabuur Oo  Ku Yimi Dedaalka Dawlada Iyo  Waxqabadkeeda Oo Uu  U Horeeyo  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxaa  Xusid Mudan  In   Safar   Dhawaan  Aanu  Ku  Tagnay  Maalada Ceerigaabo  Ay  Ardayda  Jaamacadu  Naga Codsadeen  Iyadoo  Jaamacadu  Ay  Ka  Fogtahay  Magaalada Hablo Aad U  Badanina Ay  Dhigtaan In  Dhib Badani  Ay  Ka  Iman  Karto  Habeenkii  Marka Ay  Lugaynayaan  Iyagoo  Maamulkoodu   Garab Taagan Yahay  Waxa Ay  Naga  Codsadeed  Basas Ay  Raacaan  Marka  Ay  Jaamacada  Tagayaan   Runtii  Ilaahaybaa  Mahadleh . Waxaan  Halkan  Mahad Badan  Uga Jeedinayaa  Madaxweynaha  Qaranka Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  Oo  Markii  Arintaa Aanu  U  Sheegnay  Si  Deg-Dega  Nooga Aqbalay”

Dhinaca Kale  Waxaa Isaguna  Halkaasi  Ka Hadlay Maayirka  Magaalada Ceerigaabo  Ismaaciil Xaaji Nuur Waxana Hadaladiisii Kamid Ahaa “ Labadan  Bas Ee  Aanu  Manta  Halkan  Kula Wareegaynaa Waxa Ay  Ka Mid Ahaayeen  Codsigii Aanu  U   Jeedinay Wafti  Uu  Hogaaminayey  Wasiir Cali Maxamed Warrancadde  Oo  Aan  Aad Uugu   Mahad Celinayo Oo  Noogu   Yimi  Magaalada  Ceerigaabo  Anaga Iyo  Ardayda Jaamacaduba  Oo  Runtii  Ahaa Waftidii  Noogu  Wanaagsanayd”

Sidoo   Kale Waxa Isaguna  Halkaasi  Ka Hadlay  Guddoomiyaha Jaamacada Sanaag University  Oo Ka  Mahad  Dedaalka Xukuumada  Iyo  Balanqaadkii Wasiir  Cali Maxamed Waran-Cadde.

122aefbe9e-e390-47b2-b027-4e55266d401f 

 

Log11