Wasiirka Gaashaandhiga JSL oo Xaqiijiyay In Laga Saaray Magaalada Buuhoodle Qaswade Cali Khaliif.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegay in laga saaray magaalada Buuhoodle ,waxaanu sheegay in uu Cali Khaliif ka baxay magaaladaasi,ay waqtigana magaaladu nabad tahay.

wasiirka ayaan wax faah faahina ka bixin sida uu Cali Khaliif uga baxay magaalada Buuhoodle oo uu maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa,waxaana isna halkaasi ku sugnaa wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye .

wasiir Xaglatoosiye iyo Cali Khaliif ayaa xiisado aad u culusi ku dhex mareen magaaladaasi Buuhoodle,taas oo keentay in salaadiinta magaaladaasi soo dhex galaan labadan Siyaasi oo kala aaminsan siyaasadaha kala duwan ee Somaliland iyo Khaatumo-Seeg.
ilaa hadda lama oga,war saxana lagama hayo in uu Cali Khaliif joogo magaalada Buuhoodle iyo in kale,iyada oo markii ugu dambeysay ay magaaladasi ku wada sugnaayeen Wasiir Xaglatoosiye iyo Cali Khaliif Galaydh.
Warkan oo Faahfaahsan kala Soco:Gabiley.Net