Wixii Dhaliila Ee Diiwaangelinta Awdal Ka Timadaa Waxa masuuliyadeeda iska Leh Gudoomiye Ku Xigeenka Komishanka Qaranka .

Borama(GNN)Gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal Cabdikarim muuse maal oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskisa waxa uu ka hadlay qaabka ay uga socoto diiwaangalinta cidbixiyayaasha gobolka awdal oo wajigii saddexaad gashay, sidoo kalena gudoomiyahu waxa uu dhaliilo xoogan usoo jeediyay guddida doorashooyinka qaran Somaliland.

waxaana uu gudoomiyuhu gudida ku eedeyey inay sanduuqyo yar ay keenen gobolka awdal marka loo eego gobolada kale sidoo kalena aanay shaqaalaha ka shaqaynaya diiwaangalintu aanay lahayn khibrad ku filan isagoo arimahaa iyo arimo kaleba ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.
“Shirkan jaraa’id ee aan qabtay waxaan kaga hadlayaa dhawr arimood oo ah diiwaangalinta ka socota gobolka awdal oo gashay wajigii saddexaad oo ah kii u danbeeyey, runtii shacabka gobolka awdal si fiican ayay isku abaabuleen oo ay uga qayb qaateen diwaangalinta ka socota awdal, laakiin shacabka gobolka awdal aad ayaa loogu yareeyey sanaaduuqda diiwaangalinta marka la barbar dhigo gobolada kale ee dalka, waxa jira deegaano badan oo sanaaduuq aan la gayn oo dad ku nool yihin”
Sidoo kalena gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray.
“Runtii shaqaalaha ka shaqaynaya diiwaangalinta ayaa ah dad ay khibradoodu aad iyo aad u hosayso oo aan tababar fiican qabin, shacbiga gobolka awdalna runtii waxay aad iyo aad uga murugoodeen in maanta iyagoo gudoomiye ku xigeenka komishanka leh inay maanta hadana waxaasoo baylahi ay soo baxdo waxaanay tahay masuuliyad saran gudoomiye ku xigeenka kowaad ee komishanka qaranka iyo gudoomiyaha komishanka ee gobolka oo waliba runtii laba qof oo gobolka udhashayna ah, waxii markaa halkaa dhaliil iyo hamsami socodka diiwangalinta oo wax ku dhacaana waxaan dhaliishooda iyo masuuliyadoodana qaadan doona labadaa nin kolay ma fiicna niman macalimiin ah in loo diro shaqo aanay garanayn waanay ku adkaanaysaa”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Cabdikariim muuse maal
Sidoo kalena wali gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay gudidii uu dhawaan madaxwayne siilanyo u magacabay gudidda ictiraaf raadinta Somaliland waxaana uu yidhi..
“Gudiddii uu dhawaan magacaabay madaxwaynaha Somaliland ee ictiraaf raadinta Somaliland waxaan leeyahay waxaad wadaa madaxwayne qawda maqashii waxna haw qaban taana dalku uma baahna, waxaa kuu hadhay 12 bilood mudo xileedkaagi waxaanay ahayn inaad maanta ku mashquusho qaabki ay doorasho dalka uga dhici lahayd laakiin may ahayn maanta inaad markaad ogaatay inay wax yari kuu hadhsan yihiin aad ictiraaf raadin ku mashquusho hore inaad u magacawdo ayay ahayd”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiyahay xisbiga wadani ee gobolka awdal Cabdikariim muuse maal

 

 

GABILEY.NET