Ardayda Kuliyada Dhaqaalaha Ee Jaamacada Hargeisa Oo Ku Dhawaaqay inay Joojinayaan Waxbarashadii Jaamacada.

Hargeisa(GNN):-Ardayda Dhigata kuliyada Dhaqaalaha Jaamacada Ee Magaalada Hargeisa Ayaa Sheegay inay joojiyeen waxbarashadii jaamacada gabi ahaanba iyagoo ka cabanaya arrimo dhaqaale oo jaamacadu ku kordhisay,Qoraal Ay soosaareen ardaydani oo soogaadhay shabakada gabiley news ayaa u dhignaa sidan.
“Ardeyda Sannadka Afraad Sinior Student Islamarkaana Dhigata Kuliyadda Dhaqaalaha Jamaamacadda Hargaysa Kana Kooban Afar Galaaas Ayaaa Maaalintiiii Shalay Ee Aynu Sooo Dhaafney Ee Sabtidiii Bisha Aprilna Ahayd 16 Waxa Ay Ku Dhawaaaqeeen Isla Markaana Ay Isku Waafaqeen Waxbarasho Joojin .
Ardeydan Kor Udhaafaysa 200 Waxa Ay Ka Gadoodsanyihiin Islamarkaana Ay Ka Biyo Diidanaayeen. Cadaalad Darro Baahsan Oo Ay Kula Kaceen Maamulka Jaamacdu Waxana Ay Qaar Kamid Ah Areydaaasi Oo Ay Waraysatey Warbaahinta Kaladuwan Eedalka Ka Hawlgasha Utilmaanmeeen In Ay Maamulka Jaaamacaddu Ula Dhaqmeen Sifo Sharciga Baal Marsan Isla Markaana Ay Ku Socod Siiyeen Sharciyo Ad adag oo aan loo sheegin ardayda, warna aanay u hayn sharciyadan oo markii la daba galay laga Keenay Lagana Soo Waaridey Wadamada Suuudaan Itoopiya Iyo Yugaandha Sharcigan Laga Keenay Wadammadaas Ayaa Waxa Uu Dhigayaaa In Haddii Ardey Kabaxo Imtixaan Inuu Sannad Ka Hadhayo Wax Barashadiisa. Ardeydan Joojisay Waxarashaddiii Waxa Ay Fariin Qaylo Dhaaana Udirayaaan Kana CoodSanaysaaa Haayadaha Waxbarashadda , Haayadaha Garsooorka, Madaxda Dalka Muucaarad Iyo Muxaafadba In Arrintooda Oo Aaad Iyo Aad U Adag Lasooo Fara Gashodo Hoosna Loo Eeego .
Maamulka Jaamacada Ayaaa Isna Dhinaca Kalle Ku Kala Jabey Arrintan Ay Qaadeen Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Iyo Ku Xigeenadiisu Waxana Ay Qaar Badan Oo Macalimiinta Wax Ka Dhigta Jaaamacadaha Hargaysi Ay Ka Biyodiideen Madaxana Ka Ruxeeen Go’aankaa Degdegaaa Ee Ay Ku Kaceeen Gudoomiyaha Iyo Ku Xigeeenkiisu Dhanka Kalle Iyana Waxaaa Baaaq Lamid Ah Baaqan Ay Ardeydu Dirtay Laqaba Waalidka Ardeyda Oo Iyana Baaq Dheer Udiraya Madaxwaynaha Soomaaliland Iyo Wasiiirka Wax Barashjada Waxana Ay Waaalidka Iyo Ardeyu Iyaga Oo Isku Duuban Ku Goodiyeeen In Haddiii Aaney Arrintaaa Ka Noqon Maamulka Sare Ee Jaamacaddu Ay La Tiigsan Doonaaan Maxkamada Sare
Go’aaankaasi Kasoo Baxey Maamulka Sare Ee Jaaamacaddda Hargayasa Ayaa Sidoo Kale Madax wareer Ku Ridey Gudoomiyayaasha Kale Ee Maamula Jaamacadaha Dalka Waxa Ayna Ku Dhaliilayaaan In Maamulka Jaamacaddu Uuu Qaadey Waddaadiii Burburka Iyo Baaaba Maadama Ayihiin Maamul Cusub Waxana Ay Yidhaahdeen Waxa Ay Ahayd In ay Uga Wareegaaan Ganaaxyo Kalle oo ka fudud go’aanadan hadda ay qaadeen. Talaabadan Degdega Ah Ee Ay Qaadeen Maamulka Cusub Ee Jamaacadda Hargaysa Ayaaa Waxa Ay Ku Sooo Beeegmaysaaa Xili Uu Dalku Maaraayao Meel Qalafsan,Shaqo La’aan Baahsanina ay haysato ardeydii jaamacadaha kazoo qalin jabinaysay halka kuwo kale oo jaamacadaha dhameeyayna ay Tahriib ku nafwaayeen intii ka badbaadeyna uu Werwer ku dishoodey wadamadii ay u tahriibeen Waxaana Laga Yaabaa In Haddii Dadka Iyo Madaxda Ku Shuqlka Leh Ay Soo Faragashan Waayaan Inuu Isku Badali Karo Fawdo Qas Iyo Qalaaqal Aan Laga Soo Waaban Karin iyo sumada xumo usoo hoyata hogaanka cusub ee jaamacadda hargaysa.”

Maaha Markii ugu Horaysay ee Cabashooyinka Dhinaca Dhaqaalaha Ee Jaamacada Hargeisa Ay Arday noocan oo kali ahi ka Biyo Diidaan. Waxaana Laga warsugayaa talaabooyinka ay ka qaadaan gudoonka waxbarashada ee tacliinta sare.

hargeisa Somaliland
Gabiley news network