Cidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadhi Uu Leeyahay Madaxwane Ku Xigeenka Maamulka Puntland Oo Dirwalkiisa La Soo Goostay .

Hargeisa(GNN):-Wararka laga helayo magalada Widh-widh ayaa sheegaya in Ciidanka Qaranka Somaliland ee Aagga Buuhoodle,ay gacanta ku dhigayeen Gaadhi uu leeyahay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar Camay.

Gaadhiga ciidanka qaranka Somaliland Ay qabteen ee uu leeyahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ah gaadhi xaajiyad ah oo ah nooca raaxada ayay ciidanka qaranku qabteen iyadoo uu wato dirawalkii oo kali ahi isla markaana Lumay ka dib markii uu ka soo goostay maamulka Gobaleedka Punland iyo madaxweyne ku-xigeenka uu gaadhiga u wadayba.

soo Baxsashada Dirawalkii iyo Gaadhiga ayaa salka ku haysa lahaanshaha mushaharadka Shaqaalenimo Oo muddo sanado ah aanu ka helin Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Puntland sida laga soo wariyay Dirawalki gaadhigaasi Waday.

Gudoomiyaha Degaanka Widh-widh Jamac Dheeg Cartan oo shabakada Hadhwanaagnews la xidhiidhay ayaa xaqiijiyay in ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan Degaanka Aaga Bohoodle ay gacanta ku hayaan gaadhiga uu lahaa madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland,waxana uu sheegay inay si nabad galyo ah ay ula dhaqmeen dilawarkii waday Gaadhiga.

Maaha markii ugu horraysay ee Maamulka Puntland ay ka soo goostaan gaadiid ay madaxda maamulkaasi leeyihiin waxaana hore Somaliland isugu soo dhiibay gaadiid iyo Saraakiil ciidan oo ka soo cararay mushkiladda dhaqaale xumo ee deegaanada maamulkaasi ka taliyo ka jira.