DAAWO SAWIRADA:Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta SL oo La Kulmay Dhalinyaradi Ka Badbaaday Masiibadi Doonti Degtay Badda Masar.

Wasiirka Kuxigeenka Qorsheynta Somaliland Md Kaysar Maxamed oo Xukummada Si Deg deg ah ugu Dirtay Dalka Greek sido waxi Loo Qaban Karo Dhalinyarada Somaliyeed Iyo Kuwi Kale Ku soo Badbaaday Masiibadi Ka Dhacday Badda Masar wax Loogu Qabto, Wasiirka aya Halkaas Ku sheegay ino Ilmo is hayn Kari waayay Marko Maqlay Warbaxinadoodi Iyo Siday Uga Warameen Dadki Badna ee Halkaas Ku Dhintay ee Hebel  Iyo hebel Loo Garanayay.
Warbaxinta Wasiirka aya Bartiisa Facebook sidan Ku Sheegay:  Waxaan Caawa Caasimada Dalka Giriiga ee Athens aan kula kulmay guud ahaan dadkii kasoo badbaaday Doontii Dalka Masar ka soo baxday dhawaan ee ku Qarraqantay Badda. Halkan Waxaa ka muuqda Ilmaha ugu yar ee ka badbaaday Masiibadaas. Magaciisu waa Cabdiraxmaan waana 3 sanno jir. Waxaa kale oo ka muuqda 23 qof oo Somali ah oo badbaaday, 11 qof oo Oromo ah 6 qof oo Masaari ah iyo Hal Qof oo Suudaani ah oo isagu kasoo hadhay 99 qof oo Suudaani ah oo baddu ay liqday.
Murugada, Oohinta iyo Xanuunka Masiibadaas dhacday ayaa Cashadii la sameeyay la liqi kari waayay