DAAWO SAWIRRADA WAXGARAD CABASHO KA MUUJIYEY TAAWARRADA ISGAADHSIINTA OO AY SHEEGEEN IN AY KU SOO BATEEN XAAFADDOODA

Hargeisa(GNN):-Dadweynaha ku dhaqan Xaafadda Sheekh Nuur ee Degmadda Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sameeyey Mudaharaad ay ku muujinaaya dhibaato ay sheegeen inay ka soo waajahday Taawaradda Shirkaddaha Isgaadhsiinta oo ay weriyeen in ay Xaafaddaaas ku soo bateen.

Qaar kamid ah dadweynaha xaafaddaasi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa ayaa Cabasho ka muujiyey Caafimaad darro ay sheegeen in ay ka soo food Saartay Biraha Taawarrada ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta kuwaas oo ay ku doodeen in ay ka dhaxleen xannuuno iyo Xaallado Caafimaad darro. Oday Cabdilaahi Cabdi Maygaag oo ka tirsan waxgaradka Xaafadda Sheekh Nuur oo ugu horeyn ka hadlay dhibka dadka Xaafadan ku dhaqan ka haysta Birrahan ayaa “Aniga oo ah Odayaasha Xaafadda Sheekh Nuur ee Bariga Magaaladda Hargeysa, waxaanu ka cabaneynaa oo halkan warbaahinta uga sheegaynaa Cabasho dhibaato naga haysata Biraha Tawaradda oo si kooban layskugu keenay Xaafaddan dhexdeeda, gaar ahaan Guryahan la degan yahay oo Baloodh ilaa Baloodh saddexda hareerood laga xigo isaguna uu Baloodhka Afraad Taawarkii yahay, taasi oo aanay suurto gal aheyn in dhibta Taawaraddan naga haysata mid lagu noolaan karo oo Caafimaad hoosyaalo, taas oo aanu kala hadlay Shirkadan SomCaple oo aanu ka codsanay inay naga deyso Taawaarkan cusub ee ay dhisayso maadama oo aanu wadno qorshe kuwii hore aanu Xaafadda kaga dhexsaareyno, haddaba iyada oo wada hadal aanaan wali natiijo isla gaadhin ayaa waxa na soo weeraray Taliyaha Saldhiga Sheekh Nuur oo hanjabaad iyo hadidaad uu maanta noo la yimid oo uu hadalo deel qaaf ah oo xataa Qabyaalad iyo waxyaabo kale kaga hadlaayo uu halkan kaga han jabay” sidaa ayuu yidhi oday Cabdillaahi cabdi Meygaag.

Bulshadda-Xaafadda-Sheekh-Nuur-ee-Dhibaatadda-Biraha-Taawaradda-ka-mudaharaaday-1024x683

Maatadda-Ku-Dhaqan-Xaafadda-Sheekh-Nuur-1024x683

Mid kale oo ka mid ah Odayaasha Waxgaradka iyo Waayeelka ee Xaafaddan Saameynta dhibka Biraha Taawaradda ka cabaneysa oo isna lagu magacaabo Cabdi Cali Wayd oo Warbaahintii halka ku booqatay shalay la hadlaayey waxa uu yidhi “Shacabka ku dhaqan Xaafaddan Bahweyne ee Sheekh Nuur, waxa weeye nimankan Taawarkan Birtan aynu ag joogno leh waanu wada hadalay oo waxaanu iskugu tagnay Huteel Shiraaqle waanu wada hadalay waxaanu ku nidhi meel banaan oo Bilaash ah aanu ku siino oo aan dadka dhexdiisa aheyn oo banaankaas ah waliba dhulka lacagna ha ka bixinin oo Baloodhkaagan Xaafadda ku dhexyaalana waliba iska lahaw”.

Aqoonyahan Maxamed Yuusuf Saleebaan oo ka mid ah Qurbo Joog reer Somaliland ee dalka Ingiriiska kana mid ah dadka Xaafadda Sheekh Nuur ee Bariga Magaaladda Hargeysa ku dhaqan ee dhibaatadu ka haysato Biraha dhaadheer ee Taawaradda Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee kala duwani ay sameeyeen, waxaanu tilmaamay in isagu shaqsi ahaan aqoon uu u leeyahay Biraha Taawaradda iyo Isgaadhsiinta oo waddamadda dunida ee uu soo arkay aanu waligii ku arag Xaafad Bir Taanwar ahi ka dhex taagan tahay isla markaana uu la yaaban yahay oo Xaafaddaha Magaaladda Hargeysa iyo Somaliland uun uu ku arkay Biraha Aaladda Taawaradda khatarta badan ee Caafimaadka bani’aadamka saameynta xun ku yeelan kara isaga oo gaar ahaan xaafadda uu ku nool yahay ee Sheekh Nuur sheegay in uu ku arkay dad tiro badan oo ku dhawaad Afar Taanwar oo halka ku yaala ay dhibaatooyin Caafimaad daro ku yeesheen”

Bulshadda Xaafadda Sheekh Nuur ee Dhibaatadda Biraha Taawaradda ka mudaharaaday