DAAWO:Guddomiye Ciro Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ee KENYA Iyo Qodobo Ay Ka Wada Hadleen.

Gudomiyaha aqalka Barlamaanka ahna Gudomiyaha Xisbulmucaaridka WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi CIRRO Oo mudooyinki udambeeyayba safaro ku gaala bixinayay Wadamo ka tirsan bariga Africa ayaa magaalada Nayroobi ee Dalkaasi KENYA Kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda KENYA Marwo Amina.

Kulankan dhex maray Wasiirul khaarajiga KENYA iyo Gudomiye CIRRO ayaa la sheegay in uu daaranaa Sidii dawlada dalkaasi doorkeeda uga ciyaari lahayd Ictiraaf buuxa oo Somaliland ka hesho Caalamka.
Xogaha warbaahintu ka heshay kulankaasi ayaa Tibaaxaya in Gudomiye CIRRO Hordhigay dawladda KENYA Codsi ah inay xafiiskooda diblomaasiyadeed ka furtan Dalka, waxana wararku sheegayaan in Dawladda KENYA aqbashay furashada Safaaradda KENYA ee Somaliland.
Intii Gudomiye CIRRO Ku sugnaa Wadanka KENYA waxa uu sidoo kale kulama la yeeshay Safaaradaha, Maraykanka, Denmark, Saudi Arabia Iyo safaaradda Masar ee Wadankaasi Dhamaantoodna waxa uu isku mid ah u Hordhigay inay dalalka ay Metelaan ku qanciyaan Doorka Somaliland kaga jirto wadamada Geeska sida dimuqraadiyadu uga Hanaqaaday ee Xiligan loogu baahan yahay in Aduun weynuhu aqoonsado.
Sidoo kale Gudomiye Ciro iyo madaxda Safaaradaha wadamadda uu la kulmay waxay iska Xaal waraysteen arimaha Nabadgelyada, Doorashooyinka Somaliland, iyo dib udhaca ku yimi Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha.
Sikastaba ha ahaate waa Markii ugu horeysay ee Dawladda KENYA Maqaam caynkan oo kale ah ku qaabisho masuul Ka tirsan Somaliland.