Dadwaynaha Xaafada 150-ka Ee Magaalada Hargeysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Biyo Xad-dhaaf Ah Oo Hor-fadhiistay Xaafadaha 

Dadweynaha, ayaa sheegay in Biyahan oo ka dhashay Roobabkii Gu’ga ee Maalmihii u dambeeyay ka da’ayey Hargeysa ay Meelo ka mid ah Xaafadda 150-ka fadhiisteen, ka dib markii sida ay sheegeen Culimada Timo-weynta oo halkaa Xarun ku lihi xidheen Biyo-mareenkii ay hore u mari jireen Daadadka ka dhasha Roobabku, taasina sababtay in Biyihii Roobabka oo dhami halkaasi fadhiistaan isla-markaana Guryaha buux-dhaafiyaan, qaarkoodna ay go’doomiyeen.Dadweynaha oo Saxaafaddu booqatay ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in Biyahan oo muddo Toddobaad ka badan wadhan halkaa ka dhashaan Xanuuno, waxayna baaq u direen Xukuumadda dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay ka codsadeen inay Arrintan wax ka qabato oo Biyaha loo banneeyo Biyo-mareenka ay xidheen Culimada Timo-weyntu.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jaamac oo ka mid ah Dhallinyarada Xaafadda 150-ka ee Arrintan ka hadlay, ayaa yidhi,

“Xerta Timo-weynta ayaa xidhay halkii Biyuhu mari jireen, Dadkana Biyihii ayaa Guryaha ugu galay, Xaafadaha qaarkoodna wayba Go’doomiyeen oo Dhowr maalmood dab looma shidan, arrintaasna waxa ka masuul ah Dawladda Hoose oo aan waxba ka qaban.”

“Anigoo ah Xasan Axmed Guuleed, kana mid ah Dadka Xaafaddan deggan, waadigaa arkaya Gurigeygii Daadkaa hor-fadhiya, annaga oo Dawladda hoose ku dhaleecaynayna in aanay muddo dheer waxba ka qabanin Biyahaa Xanuunnadu ka dhalanayaan ee ardaydii Yar-yareyd meel ay maraan la’yihiin, Biyahaasina waxay u xidhan yihiin Culimada Timo-weynta. Waxaanu Dawladda ka codsanaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan Biyaha nooga Siidaayaan, haddii kale annaga ayaa wixii taagtayada ah samaynayna.”ayuu yidhi, Xasan Axmed Guuleed.

Mid kale oo ka mid ah Dadweynaha Xaafadda 150-ka ee Hargeysa, oo halkaa ka hadlay, ayaa yidhi,

“Dawladdu ha noo soo dirto laashash aanu Biyahan ku dul-soconno ama Biyaha ha naga siideyso, Waayo? Xeerka Dhulka ee Baarlamaanku ansixiyey wuxuu sheegayaa Biyuhu halkay marayaan, laakiin Nimankan (Timo-weynta) waxaad mooddaa inay sharciga ka sareeyaan, markaa waxaanu leenahay Dawladdu arrinkan ha soo faro-geliso oo Nimankan wax ha ka qabato, haddii Kale Annaga ayaa wax ka qaban, wixii ka yimaaddana waxa Masuuliyaddooda qaadi doona Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Maayarka Hargeysa ee degmadan 26-ka June laga soo doortay.”

Ugu Danbayntiina Dadwaynahani waxay ka cabsi qabaan inay guryahooda uu daadku dumiyo isla markaana uu waxyeelooyin soo gaadhsiiyo.

123

Log11