Gobolka Badhan Oo Laga Abaabulayo Dhismaha Maamul ka Madaxbaan Somaliland Iyo Moganaanta Xukumada.

Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Gobolka Badhan ee Somaliland ayaa Sheegaya in ay halkaasi ay ka socdaan Qabanqaabada Shir la sheegay in lagu dhisayo Maamul ka madaxbaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhaq-dhaqaaqyada Badhan ka socda ayaa la sheegay in uu yahay mid halis weyni ka soo waajahantahay, isla markana salka ku haya qorshe siyaasadeed oo lagu doonayo dhisamaha maamul dawladeed oo ka arimiya Gobolada Waqooyi Bari ee Somaliland.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in qorshahaasi uu maalgelintiisa ay ka dambeeyan Kooxo ajaanib ah iyo qaar ka mid ah qurbajoogta Deegaanada Sanaag Bari ee iyagu siyaasiyan ka soo horjeeda jiritaanka iyo midnimada Somaliland.

Xiligan Magaalada Badhan waxaa ka aloosan Xiisada iyo xamaasada shir weyne loogu gogol xaadhayo bar bilowga qorshaha maamulkaasi, sidoo kale waxaa diyaargarowga hawshani qayb ka ah shirar doceedyo u badan qayabaha bulshada oo culimada, dhalinyarada, haweenka iyo haldoorka midba gaar loola wado Xukumada Somaliland ayaan wali ka hadal Arinran Lafjabka Ku Ah Qaranimda Iyo Jiritaanka Somalilnad

Gabiley.Net Kala Soco Hadba Wararka Kasoo Kordha Arimahan