DAAWO:Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ka Dooday Xeerka Hanti-dhawrka Iyo Qandaraasyada Somaliland

Waxaana kalfadhigan ay maanta yeesheen mudanayaasha golaha wakiilada oo ay kasoo xaadireen badiba xildhibaanadu hogaaminyay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha.Waxaana waraaqaha ka doodida xeerka loo qaybiyay xildhibaanada iyaga oo xildhibaanaduna ay ka doodeen xeerkan.Waxana ugu horeyn kalfadhiga furay gudoomiye Cirro isaga oo sheegay in xeerka laga doodayaa uu yahay xeerka hanti-dhawrka iyo qandaraasyada Somaliland, sidoo kalena gudoomiye Cirro waxa uu sheegay inay warbixino ka dhagaysan doonaan gudida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka Somaliland.Si kasteba ha ahaatee Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa iyagu ka dooday xeerkan, waxaana  la filayaa  in maalinta bari ah ay mudanayashu u fadhiistaan ansixinta xeerka hanti-dhawrka iyo qandaraasyada Somaliland.