agaalkaas qof ee reer Somaliland ee doonida ka badbaaday way nabadqabaan, waxanay imika ku sugan yihiin Caasimada Dalka Giriiga ee Athens.
Waxa Doonidan ku dhintay dad aad u tiro badan oo Somaliland u dhashay iyo kuwo aan u dhalan oo aan magacyadooda si rasmi ah weli loo helin balse ay Xukuumadu dedaal weyn ugu jirto in la helo, kuna hawlan yahay Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo hada ku sugan Giriiga.
Waxaana magacyada dhalinyaradaa reer somaliland ee ka badbaaday doontii ku qarqoontay badda dalka masar ee ay ku nafwaayeen in ka badan 400 oo dhalinyaro ah ay u dhignaayeen sida tan.