Hargeisa: Meherado Iyo Xawaalado U furan Fududeynta Tahriibka Iyo Lacagaha Loo Diro.

Hargeisa(GNN):- Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland Uu dhawaan ku dhawaaqay in ciqaab adag la mariyo noocyada kala duwan ee magafayaasha, ayaa haddana waxa jira shirkado ganacsi iyo meherado si dadban uga shaqeeyaha arrimahan tahriibka kuwaas oo qayb laxaad leh ka qaata bixitaanka dadkan soconaya ee ku socoda bulshadan tahriibaysa, waxaana Meheradahan oo aanu dabagal ku sameyney dhawaan xidhiidh qotodheer la leeyihiin Magafayaasha kale ee ku sugan Dalalka Libiya Iyo Masar,
Hadaba Xarumahan Iyagu Ku Shaqaysta Inay Bulshada Ka Caawiyaan Arrimahan Ayaa Iyagu Si Dadban hawlahan uga qaybqaata, kuwaas oo ay ugu horeeyaan xaawalado yar yar oo ka furan gudaha caasimada hargeisa iyo Meherado ganacsi oo shaqsiyaad gaar ahi leeyihiin, sidoo kale waxaa iyaguna qayb laxaad leh ka qaata arrintan, shirkadaha socdaalka ee Travel agencysiga ah kuwaaso qaar kamida dhawaan ciidamada amaanka somaliland Xabsiga u Taxaabeen Sida Shirkada La Odhan Jiray Xamari Travel Agency oo Iyadu Arrimaha qayb Laxaad Leh ka qaadan jiray.

Mid Kamid Shacabka Ku Dhaqan Caasimada Hargeisa oo Xidhiidho kala Duwan la Sameeyey Nimankan iyo Shuraakadan Fududeeya Arrimaha Tahriibka Kadib markii dhawaan uu Tahriibay Walaalkii Ayaa Noogu Waramay Siday.

Axmed Waa Muwaadin Ku Nool Caasimada Hargeisa Waxaa Walaalkii oo Ka Yar Kadib Markii Tahriiibay lasoo Xidhdiidhay Magafeyaal Jooga Dalka Libiya, Kuwaaso oo Kusoo Amaray In Lacag Dhan Kun Iyo Shan Boqol oo Dollar uu U Dhiibo nin ku Sugan Gudaha Caasimada Hargeisa, kadibna Kaasi Uu Si Toosa Ugu Diri Doono Ninkan haysta Walaalkii Ee Magafaha Ah, Waxaa uu Axmed Ii Sheegay in Kadib Markii lasiiyey Numberka ninka jooga magaalada Hargeisa uu la xidhiidhay si uu ugu geeyo lacagta madax furashada ah ee walaalkii laga rabo, waxaanu ugu tagay ninkii suuqa weyn ee caasimada hargeis, oo ku haysta meherad weyn oo ganacsi, lacagtii markii uu ka qaaday waxaa si toosa uu ula xidhiidhaybauu yidhi ninkii magafaha ahaa ee ku sugnaa dalka libay. waxaanu u sheegay inuu ka hayo lacagtii islmarkaana walaalkii lasii daayo.

Haddaba Arrimaha oo ah kuwo aan qarsoodi lahayn ayaa cadeynaya inay jiraan Xarumo si dadban uga shaqeeeya arimahan Tahriibka.

Walow Ay Hadaba Ciidamada kala duwan ee booliska somaliland hadda gacanta ku dhigeen qaar kamida dadkii ku shaqada lahaa arimahan tahriibka, haddana waxa jira shirkado qaybo laxaad leh ka qaata fududeynta tahriibka iyo in bulshadu kusii dhiirato.

Laosoc Wararka Iyo Xaqiiqo Raadinta Shuraakadana oo Lagu daba jiro..

Hargeisa SOmaliland
Gabiley News Network