Khilaafaad Ragaadiyey Xisbiga Waddani Iyo Warbaahintii Wax U Tabin jiray Oo Ka Dayriyey Nidaamka Wada-shaqeyneed ee Xisbigaasi.

Hargeisa(GNN):-Khilaaf ba’an Ayaa ka dhex Qarxay Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Wadani cabdirashiid Xasan Mataan Iyo Xoghaye ku Kigeenka Warfaafinta Xusbiga Wadani Cabdirashiid maxamed Aadan Jeeni, Khilaafkaasi oo salka ku haya xidhiidhka u dhexeeya saxaafada iyo xusbiga Wadani oo la sheegay inuu xumaaday ka dib markii warbaahinta la sheegau inay ka muda Haraaday Baahinta wararka xusbiga wadani,

Mudooyinkii udanbeeyay ayaa la wariyay in xusbiga wadani la soo darisday inay warbaahintu Diiday Inay Baahiso Wararka Xusbiga Wadani kadib markii warbaahinta madaxa banaan Cabasho ka muujisay hab dhaqanka xoghaye ku xigeenka warfaafinta ee xisbiga wadani, Cabdirashiid jeeni iyadoo warbaahintu cabasho ka muujisay musuq maasuq baahsan oo Warbaahintu ka cabatay in lagu sameeyay lacagii warbaahintu ugu baahin jirtay wararka
Xusbiga wadani Taasoo keentay inay warbaahintu cabasho u gudbisay gudoomiyaha xusbiga Wadani cabdiraxmaan cabdilaahi ciro si uu wax uu uga qabto isbadalka ku dhacay xusbiga Wadani Iyo Musuq Maasuqa Ay Warbaahintu ka cabatay Ee ka dhex dilaaacay dhaqaalihii Loogu baahin jiray wararka xusbiga wadani Taasi oo la sheegay in uu musuq maasuqaana Hormood u yahay xoghaye ku xigeenka warfaafinta xusbiga wadani cabdirashiid jeeni,,

Balse cabashada warbaahinta ayaa la sheegay in aanu gudoomiyaha xusbiga wadani Cabdiraxmaan ciro waxba ka qaban dano gaara iyo awood beelaysan oo uu ku leeyahay awgii Xusbiga wadani xoghaye ku xigeenka warfaafintu awgeed,

Wax ka qabasho la aantaa cabashada warbaahinta ee gudoomiyaha xusbiga wadani ayaa Keentay inay gabi ahaanba warbaahintu joojiso baahintii ay ubaahinayeen wararka xusbiga wadani iyagoo warbaahintu ka dhaga adkaysday dalabyo maalmihii udanbeeyay xusbiga wadani ugu yeedhayeen warbaahinta si ugu baahiyeen warar xisbaga wadani rabay inay baahiyaan Taasi oo aan usooro galin xusbiga wadani inay baahiyaayn wararkoodiii,

Arintani ayaa sobobtay inay isu khilaafaan xoghayaha warfaafinta xusbiga wadani cabdirashiid xasan mataan iyo xoghaye kuxigeenkiisa warfaafinta cabdirashiid jeeni taas oo Ay isku maandhaafeen sobobta keentay inay diido saxaafadu inay baahiso wararka xusbiga wadani,

Arintani ayaa keentay in maanta loo waayo warbaahin Raacda kana soo duubta gudoomiyaha xusbiga wadani cabdiraxaaman maxamed cabdilaahi cabdiraxmaan ciro oo maanta ka dhoofayay garoonka diyaaradaha ee hargaysa isagoo unbabaxayay dalka dibadiisa balse waji gabax kunoqotay inuu waayo warbaahin u Adeegta warkiisa Taasi oo ku kalifday in Afhayeenka xusbiga wadani Ibraahin mahdi buubaa uu Booqdo Xarunta TVga STar Tv si uu UTabiyo Warka gudoomiyaha xusbiga wadani Ee warbaahintu Diiday

Wariye Idiris Ismaaciil Cabdi
Somali News tv

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network