Laba Wiil Oo Ku Dhintay Ceel Biyood Ku Yaala Magaalada Hargeysa Iyo Magacyada Labada Wiil

Waxaana labadan wiil ee ku dhintey ceel biyoodka lagu kala magacaabi jirey Yuusuf Ibraahim,oo da’diisu ahayd 16 sano jir iyo Ayaanle Maxamuud oo da’diisa lagu sheegay 12 sano jir.

Geerida labada wiil ayaa timi kaddib markii mid ka mid ah labadan wiil uu damcay inuu ku dabbaasho ceelka,balse uu ku dhacay ceelkii,waxaana u soo gurmadey wiilkii kale oo isagu ahaa qofka kaliya ee u dhawaa wiilka biyaha ku hafanaya,waxaana ay sababtay in ay labaduba ku qudhbaxaan gudaha ceelka oo ay ku haftaan.

Ceelkan caruurta liqey ayaa ku yaalla gacan weyn oo biyaha ku shuba ceelka Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa,ceelkan ayaa muuqaal ahaan afkiisu kooban yahay,balse waxa uu yahay ceel gunta u dheer.

Aabaha dhalay marxuum Ayaanle Maxamuud,oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo saxaafada uga waramay arintan ayaa waxa uu sheegay in labadaa wiil ay ku dhinteen ceelka waxaana uu ugu baaqey xukumadda in wax laga qabto ceelkaas oo sida la sheegay caruur horena liqay waxaana uu yidhi

“Xukuumadda waxaan ka codsanayaa iyo dhammaan cidda wax qaban kartaba in ceelka wax laga qabto caruurta liqay, caruurta imanaysana cid alaale cid la socotaa ma jirto horena waa loo sheegay inuu caruur liqay markaa wax halaga qabto”Sidaas ayuu yidhi

Aabe Maxamuud oo ah aabaha dhalay wiilka lagu magacaabo Ayaanle kana askari ka tirsan ciidanka qaranka ayaa sidoo kale waxa uu sheegey inay ceelkan immaadaan ciyaal kala duwan,kuwaasi oo ka immaadda xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa

“Waxaa immaadda kuwa ka immaadda daloodho,Isha-Boorame halkaasey immaadaan sidii halkaa loogu gurman lahaa ee caruurtaa dhibaatadaa looga oorinlahaa wad waxba laga tarimaayee,oo saacad lama oorinkaree”Ayuu yidhi Maxamuud.

Si kasteba ha ahaatee maydka labadan caruura ayaa la sheegay inay yaalaan cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa.

Log11