Liverpool Oo Newcastle Barbaro Kula Gashay Anfield, Reds Oo Qaybta Danbe Ee Kulankan Iska Lumisay Fursad Ay Meel Fiican Kaga Soo Gali Kartay Kala Saraynta EPL Iyo Benitez Oo Dhibic Dahabi Ah Kala Laabtay Anfield

Liverpool ayaa iska lumisay fursad ay kaalinta lixaad ku soo gali kartay waxayna barbaro 2:2 ah Anfield kula gashay kooxda Newcastle United. Inkasta oo ay Liverpool qaybta hore hogaanka ku haysay laba gool oo ka kala yimid Sturridge iyo Lallana haddana Newcastle United ayaa awooday in ay barbaraha keensato si ay xili ciyaareedkeeda u badbaadsato.

Tababaraha Liverpool ee Kloppp ayaa shaxdiisa ku soo bilaabay Kolo Toure kaas oo difaac dhexe kula bilawday Lovren ka dib markii daafacii booskaas lahaa ee Mamadou Sakho ay kooxda ka mamnuucday ciyaaraha ilaa iyo inta ay ku socdaan baaritaanada la xidhiidha inuu isticmaalay dawooyinka ka mamnuuca ah ciyaartoyda

Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale fursad siiyay daafaca Randall oo garabka midig ku soo bilaawday, halka Stewart uu isna khadka dhexe kala ciyaarayay Joe Allen. Daniel Sturridge ayaa weerarka hogaaminayay ka dib dhaawacii Origi, halka Coutinho uu kursiga keydka fadhiyay si la mid ah Lucas.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LIVERPOOL (4-2-3-1): Mignolet; Randall, Lovren, Toure, Moreno; Stewart, Allen; Milner, Firmino, Lallana; Sturridge.

KAYDKA:Coutinho, Lucas, Ibe, Skrtel, Smith, Ward, Ojo.

NEWCASTLE (4-2-3-1): Darlow; Anita, Lascelles, Mbemba, Dummett; Tiote, Colback; Townsend, Perez, Sissoko; Cisse.

KAYDKA:Wijnaldum, De Jong, Shelvey, Aarons, Woodman, Mbabu, Mitrovic.

Liverpool ayaa markiiba heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan Newcastle United kaga naxsaday Daniel Sturridge kaas oo daqiiqadii 2 aad si qurux badan u dhamaystiray goolka furitaanka Reds isaga oo kubbad ka helay Alberto Moreno, wuxuuna marka hore kubbada ku dajistay xabadkiisa ka hor intii aanu laba difaac oo Newcastle ah aanu kubbada dhex darbayn,wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Liverpool xili horeba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

1461420581745_lc_galleryImage_Football_Soccer_Liverpool
Liverpool ayaa awooday in ay ciyaarta maamulkeeda si buuxda u la wareegto waxayna sidoo kale abuuraysay fursado fiican oo ay ku raadinaysay goolkeeda laabad. Dhinaca kale Newcastle United ayaa si xoogan u raadinaysay goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laabto.

 

DAQIIQADII 30 aad Liverpool ayaa heshay goolkeeda labaad waxaana gool CAJIIB AH u saxiixay Adam Lallana kaas oo goolkan ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa Newcastle United, waxaana markale caawinta goolka labaad ee Liverpool sameeyay Alberto Moreno waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Reds hogaanka ku dheeraysatay.

1461421490751_lc_galleryImage_LIVERPOOL_ENGLAND_APRIL_2

Daqiiqadii 40 aad Darlow ayaa musiibo kooxdiisa u horseedi gaadhay kadib markii uu hadiyad siin gaadhay Sturridge laakiin haddana fursadan ayaan noqon mid rajada Newcastle sii burburisa, waxayna qaybta hore ee ciyaartu ku dhamaatay 2:0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Rafael Benitez uu shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Ayoze Pérez wuxuuna kaydka uga yeedhay Georginio Wijnaldum, waxayna markiiba Newcastle United ay bilawday in ay ciyaarta dib ugu soo laabto.

CgvD5IBWwAA14W9

DAQIIQADII 48 aad Newcastle United ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay waxayna heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan madax ugu saxiixay Papiss Demba Cissé kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Vurnon Anita, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Reds hogaanka ciyaarta ku hayso.

1461425954442_lc_galleryImage_Football_Soccer_Liverpool

DAQIIQADII 60 aad Firmino ayaa shabaqa soo taabtay kadib markii uu Darlow uu badbaadiyay kubbad uu Allen goolkan ku dhalin gaadhay laakiin goolkan ayaa la diiday waxaana la sheegay in uu offside ahaa. Laakiin lix daqiiqo daqiiqo oo kaliya kadib Newcastle United ayaa heshay goolkeeda barbaraha ee ay sida dhabta ah ciyaarta dib ugu soo laabtay waxaana goolkan ku dhaliyay u saxiixay Jack Colback waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah isla markaana ay Liverpool sidaa ku wayday hogaankii ciyaarta ee ay labada gool ku haysay qaybta hore ee ciyaartan.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2:2 ah waxayna Liverpool lumisay laba dhibcood iyada oo qaybta hore hogaanka ciyaarta ku haysay 2:0 laakiin Newcastle United ayaa kulankan ka heshay dhibic xili ciyaareedkeeda muhiim u ah.

 

Gabiley.Net

Gabiley Office