Magacyada iyo Sawirada dadkii reer somaliland ee ku dhintay badwaynta u dhaxaysa Masar iyo talyaniga

Hargeysa(GNNs)Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Qaahira ee dalka Masar dhalinyaro badan oo ka soo jeeday somaliland ayaa ku geeriyooday bada u dhaxaysa wadamada Masar iyo Talyaaniga.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Qaahira oo shabakada Gabiley.Net  la xidhiidhay dadkan ayaa ku geeriyooday bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, kuwaas oo doonayey inay tahriib ku galaan wadanka Talyaaniga.
Sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada Qaahira ee aanu la xidhiidhnay dadka doonta saarnaa ayaan ilaa hada la xaqiijinayn tirada ay ahaayeen, balse waxa la sheegay in la badbaadiyey tiro dad ah oo ku dhaw 41 qof, kuwaas oo uu badbaadiyey mid ka mid ah maraakiibtii ka gudbayey bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, waxaana la sheegayaa inaan ilaa hada la helin wax mayd ah balse ay maydku wali ku jiraan bada, balse qaar ka mid ah sawirada dadkii doontaasi saarnaa ayaa lagu baahiyey baraha bulshadu ku kulanto kuwaas oo eheladooda loo marinayo dhambaalo tacsi ah.
Dadkan ku geeriyooday shilkan ka dhacay bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga oo u dhanaa dad dhalinyaro ah ayey wararku sheegayaan inay intooda ugu badani ka soo jeedaan wadanka somaliland, taas oo geeridooda si weyn looga dareemay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo tirada ugu badan ee dhimatay ka soo jeedeen.

Xukuumada somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaan wali qorshe cad u samayn dhalinyarada somaliland, kuwaas oo maalin kasta qaar ka mid ah dhalinyaradu ay go,aansanayaan inay ka tahriibaan dalka isla markaana doonaya inay nolol wanaagsan ka raadsadaan wadamada qaarada Yurub, kuwaas oo u sii mara jid khatar badan oo ay kala kulmaan dhibaatooyin badan oo dariiqyada ay marayaan loogu gaysto.

dh1

dh2

dh3 dh4 dh5 dh7 dh8 dh9 dh10 dh11
1-jamaal cabdilaahi mataan-Habaryoonis-reer cilmi-Gobolka oodwayne somaliland.

2-mukhtaar ciise xaaji siciid-Habarjeclo-axmed faarax-gobolka burco-somaliland.

3-koos xuseen cali-habarjeclo-aadan madoowe-Gobolka burco-deg-balidhiig- somaliland

4-axmed shuuriye-habarjeclo-reer daahir-gobolka burco-somaliland-gabadhiisuna kawsar waa solo madaw habarjeclo-

5-cabdicasiis khadar cawad

7-aadan maxamed faarax-cidagale-gobolka maroodi-jeex-somaliland

8-Farduus-habarjeclo-Cimraan-gobolka burco-somaliland

9-maxamed faroole

10-sakariye axmed xasan-habarjeclo-axmed faarax-gobolka burco-somaliland

11-Kaltuun axmed guray-habarjeclo-cimraan, gobolka burco-somaliland

12-maxamed mire-habarjeclo-gobolka burco-somaliland.

13-nawaal muuse-isaxaaq

14-xamda cabdilahi-habaryoonis-reer caynaashe

15-cawil gaandhi

Waxaan idiin soo gudbin doonaa saacadaha soo socda tiro kale oo dada magacyadooda iyo beelahooda.

Gabiley.Net

Gabiley Office