Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Maanta An-sixiyey Wax Ka Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyo Xeerka Doorashooyinka.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo An-sixiyey Wax Ka Bedel Iyo Kaabis Lagu Sameeyo Xeerka Doorashooyinka Oo Madaxweynuhu Ka Cod Saday

Madaxweynaha somaliland hore waxa uu u soo saaray Degreeto uu wax kaga bedelay Xeerka Doorashooyinka Dalka waxaana uu u gudbiyey Mudanayaasha Golaha wakiilada si ay shaqadooda qaran uga gutaan isagoo Madaxweynuhu warqad cod si ah kaga dalbaday In ay ansixiyaan Xeerkan
Fadhi ay maanta Mudanayaashu iskugu yimaadeen ayaa waxay ku ansixiyeen Wax ka bedelka iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka Mudanayasha u codeeyey ayaa ahaa 55 Mudane 3 Mudane Ayaa Diiday halka uu hal mudane ka aamusay sidaana waxa ku ansaxay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka doorashooyinka dalka