Munaaqibiintii Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Oo Aan Kasoo Xaadirin Goobaha Diwaangalinta Codbixiyaha Ee Gobolka M/jeex Ka Bilaabantay Iyo Dhib u Dhaca ay Ku Keeni Karto Doorashada.

Hargeisa(GNN):-Inkasta Oo Si habsami ah ay qaadashada kaadhka codbixiyahu uga bilaabantay gobolka M/jeex haddana waxaa Khilaafka Xisbiga Ucid Sababay in Munaaqibiintii Uga Qayb-galeysay Diwaan-galinta Codbixiyayaasha ee maanta oo sabti ah ka bilaamatay Gobolka M/jeex aanay ka soo xaadirin goobihii diwaan galinta, halka ay labada xisbi ee kale ee kulmiye iyo wadani ee ugu qayb galayey goobaha diwaan galinta ay habsmiya muraaqibiintoodu ay gudanayeen doorkii ay ku lahaayeen goobaha diwaan galinta.
sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale iyo muraaqibiinta kala duwan oo ka hawl galayey goobaha diwaan galinta qaarkood oo aanu booqanay waxa ay noo sheegeen in aanay goobta diwaan galinta ka soo xaadirin xubnihii u matalayey xisbiga mucaaridka ah ee ucid,
masuuliyiinta xisbiga ucid ayey maal mihii ugu dambeeyey ka soo baxayey warar sheegaya khilaafyo soo kala dhax galay masuuliyiinta sare ee xisbiga ucid, arintana waxa muujinaysaa in xisbiga ucid aaney ka jirin hanaan iyo hambsami u socod maamul maadaama ay tahli kari waayeen xubnihii uga qayb gali lahaa diwaan galinta codbixiyayaasha ee maanta ka bilaabantay gobolka maroodi jeex, tanina hadii ay sii socoto sida la filayo xisbiga ucid waxa uu carqalada ku noqon karaa mudada loo asteeyey qabsoomida doorashada,
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo La Filayey inuu arrintan dheelitir la’aanta ku ah diwaangalinta codbixiyaasha ka hadlo islamarkaana qaraar ama go’aan kasoo saaro ayaaney jirin ilaa hadda wax war ah oo ay caqabadaa kagaga hadleen.
Sikastaba ha ahaatee caqabadan xisbiga ucid ee uu sababta u yahay khilaafaadka hogaanka sare ee xisbigu, ayaa horseed u noqon kara dib u dhac baahsan oo ku yimaada in wakhtigii loo asteeyey Doorashada madaxtinimo ka qabsoonto.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Osman Almis