MUSHARAX MUUSE BIIXI CABDI OO BALAN QAAD U SAMEEYEY DHALINYARADA SOMALILAND IYO QODOBADA UU MIISKA SOO DHIGAY

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka haysta dhalinyarada somaliland.

Musharax Muuse Biixi Cabdi oo qoraal uu dhalinyarada balan qaad ugu samayno ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku yidhi “Waxaa iga go’an wax ka qabashada mashaakilaadka haysta dhalinyarada, abuurida dugsiyo farsamada gacanta lagu baranayo, maal galinta goobaha shaqo abuur badan samaynaya, dhiirri-gelinta isboortiga & ciyaaraha, dhisida garoomo lagu ciyaaro, furidda maktabado & tayaynta waxbarashada qaranka guud ahaan – si loo diyaariyo JIIL si baaxad leh u hanta kaalintooda kaga beegan horumarinta dalka.” Ayuu gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ku yidhi qoraalkiisa.
Balan qaadka gudoomiye Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya wakhti ay bulshada somaliland gaar ahaan dhalinyaradu la murugaysan yihiin qoysaska dhalinyaradii tirada badnayd ee ku dhimatay bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga kuwaas oo u badnaa somaliland, isla markaana ay dhibaatooyin badan haystaan dhalinyarada ku sugan wadanka gudihiisa kuwaas oo la kacaa kufaya qodobada uu Musharax Muuse Biixi balan qaaday inuu wax ka qaban doono, kuwaas oo laga sugayo.

Gabiley.Net